• 30th Anniversary Celebration of Washington Somali Stars 1983-2013

Tartankii iyo xafladdii sannadguuradii 30aad ee naadiga cayaaraha Washington Somali Stars oo ka dhisan agagaarka magaalada Washington, DC oo ah caasimada dalka Mraykanka ayaa waxaa ka soo qayb galay kooxa ka kala socotay magaalada Boston ee gobolka Massachussetts oo uu hogaaminaayay Safari, kooxda Xiddigaha oo ka socotay magaalada Toronto ee dalka Canada oo uu hogaaminaayay Col. Maxamed Faarax Dabdamis, kooxda ka socotay magaalada Atlanta ee gobolka Georgia oo uu horseedaayay Dr. Cali Cusman iyo kooxda TMT FC Columbus ee gobolka Ohio oo uu horkacaayay Bashiir Geelle.


Afartan kooxood iyo laba koox oo ka socotay Washington Somali Stars ayaa galabnimadii Jimcaha ee bisha ahayd 30ka August tartankii lagu xusaayay sannad guurada 30aad ee kooxda martida loo yahay ka bilowday garoonka kubadda cagta ee Pentagon City Arlington Virginia. Cayaartaas oo dhexmartay kooxda waaweynka Washington iyo Boston. Labadan kooxood oo ah kooxihii bilaabay tartanka Somali Week oo sannad walba lagu qabto meelo kala duwan oo Yurub iyo North America ka mid ah muddo 30 sanno ka hor ayaa waxaa loo qabtay koob gooni ah oo ka baxsan tartanka intiisa kale. Cayaartaas dhex martay labadan kooxood ayaa waxay guusha ku raacday kooxda Boston oo ku badisay 5 – 4.


Subaxii Sabtida ee 31ka August ayuu tartank intiisa kale si rasmi ah u bilowday iyadoo laysu arkay sidan:
- Washington Somali Stars (Senior) VS Atlanta oo ay Washington 5-1 guusha ku raacday.
- Xiddigaha "Toronto" VS Boston oo 7-2 ay ku guuleysatay koxda Xiddigaha
- Washington Somali Stars (juniors) Vs. TMT FC Ohio. Washington ayaana ku badiyeen 4 – 2.

Maalinta Axadda ahayd ayaa la soo gabagabeeyay tartankaas waxaan loo baratmay sidan:
- Atlanta vs. Boston oo Atlanta guusha ku raacday 6 – 3
- Washington Stars (juniors) Vs. TMT FC Ohio oo kooxda Washington looga badiyay 5 – 0

- Washington Somali Stars (senior) vs. Xiddigaha "Toronto" oo ahayd cayaarta la wada sugaayay ayaa waxay ku dhammaatay barbar dhac 3 – 3 laakin waxay koobka qaadatay kooxda Xiddigaha ee ka socday Toronto iyagoo goolal tiris ku qaadaty.


Fiidnimaddi Axadda ayaa waxay xafladda sannadguurada 30aad ka dhacday hoteelka Hilton Mark Center oo ku yaala magaalada Alexadria ee gobolka Virginia.
Xafladdan oo lagu xusaayay sannadguurada 30aad ee jiritaanka kooxda martida loo yahay ee Washington Somali Stars ayaa waxay isugu jirtay casho sharaf, damaashaad iyo abaalmarino loogu tala galay kooxihii tartanka ku guulaytay. Waxaana ka soo qaybgalay shaqsiyaad cayaaraha Soomaaliyeed taarikkhda ku leh iyo dad weynaha ciyaarha taagyeera ee gobolaka Virginia.

Xafladaa ayaa waxaa si rasmi ah uga soo qaybagaly:
1) Minnesota: Macillin Ibrahim Suudaani, Macallin Qariidi iyo Cabdi Yuusf
2) Boston: Safaari,Cali Faarax, Xassan iyo Xussien Sheegow,Fu’aad,Cali Faysal,Armaajo, Goldan, Jaylaani, Cabdalla, Cabdirazaq,Burhan iyo kooxdii Boston oo idil.
3) Atlanta: Dr. Cali Cusmaan, Awees Fuundi, Caydiid iyo kooxdii Atlanta oo dhan
4) Ohio: Bashiir Geele iyo Kooxda TMT FC Ohio.
5) Toronto, Canada: Col. Maxamed Faarax Dabdamis iyo kooxdii Xiddigaha Toronto oo dhan.
6) London, England: Maxamed Macalow (fanaan kooxda waaberi) iyo asxaabtiisa.

W/D Abdulqaadir Caraale
Cabdulahi Somaliyow

 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line