• Ilamos Oo U Awood Sheegatay 5 Pillars Athletics

Waxaa magaalda Toronto ee dalka Canada ciyaar saaxibtinmo isaga horyimid kooxda kubadda koleyga Ilamaso iyo kooxda 5 Pillars Athletics.

Kooxda Ilamos ayaa waxaa tababare u ah Macallim Bruno, Ahmed Abubkar "Ahmadey B" iyo Abdi Deputati.

Halka kooxda 5 Pillars Athletics ay tababaraan Siyad Abdulle iyo Abdulwahid Khan.

Ciyaatan oo jawi aad u qurux badan ku bilaabantay, ayaa labada kooxoodba waxay soo bandhigeen ciyaar aad u xiiso badan.

Ciyaartooyda Ilamos oo aad u tiro badnaa ayaa waxay isu qeybiyeen laba kooxood. Koox waxay ciyaartay qeybta kowaad, kooxda kalena qeybta labaad.

Gabagabadii ciyaarta ayaa kooxda Ilamos ay guusha ku raacday 39 iyo 36.

W/D Mohamed Busuri




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line