• Tartan AFRICAN NATION CUP 2010 oo lagu qabtey magaalada LONDON


London 17/01/2010:Waxaa lagu qabtey David Beckham Accademy oo ku taal Xaafada Greenwich  ee magaalada London tartan loogu magacdarey African Nation Cup 2010, koobkaas oo ay ka soo qayb galeen 12 wadan jaaliyadahooda degan magaalada London loona kale qaybiyay labo qaybood, kuwaasoo kale ahaa dalalka Somalia, Djabuuti, Kenya, Algeria, Tanzania, South Africa, Mauritius, Ghana, Ethopia, Eritrea, Morocco iyo Sierra Leone.

Tartanka Xiisa badan ayaa waxaa sanadkaan ka qayb galay labo kooxood oo kale matalaysay Jaaliyadaha dalalka Soomaaliya iyo Djabuuti ee walaalaha ah, kuwasoo ka dhigay tartankan wacdaro iyo ciyaar aad u sareysa farsamadeeda sida uu isheegay soo abaabulaha tartankaan kooxda Soomaaliya mudane Mohamed Buuwe oo  degan xaafada Wembley oo jecel inuu had iyo goor ay ka muuqdaan magaca Soomaaliyeed goobaha lagu qabto tartamadaan oo kale.

Ciyaarta qaybteedii koowaad ayaa u  suurtagashay labada kooxood ee Soomaaliya iyo Jabuuti inay u soo gudbaan Quarter Final ka kadibna ay isku soo aadaan ciyaartii Semifinalka halka kooxaha Ethopia iyo Eritirea ay isku soo aadeen, taasoo ciyaartii ka dhigtey in kooxihii ku ciyaarayay dalalka Bariga Afrika inay noqdaan kuwa u soo baxa, qaybahooda dambe, ciyaarahaan oo ahaa kuwa aad u adag ayaa intooda badan ku soo dhamaadeen rigoorayaal sida aan kaga bogan karto shaxda hoose ku qoran ee ay kooxaha ku soo kale badiyeen.

Ciyaartii Finalkana waxaa iskugu soo harey kooxaha kale ah Jabuuti iyo dalka Eritrea oo isku mari waayay 1 iyo 1 waqtigii ciyaarta loogu talagalay, ugu dambayntiina waxaa loo dhigay rigoorayaal, balse waxaa nasiib u yeeshay inay kooxda Eritrea guusha ku raacdo 5 Goal halka kooxdeena Jabuuti ee Soomaaliyeed ay dhaliyaan 4 Goal.

Quarter Finals

Ethipoia

5 2 Algeria

 

Djibouti

3 1 South Africa

 

Morocco

0 0 Eritrea

(2-3 pens)

Sierra Leone

1 1

Somalia

(2-3 pens)

         

Semi-Final

Ethipoia

0 2 Eritrea

 

Djibouti

1 1 Somalia

(9-8 pens)

Final

Djibouti

1 1 Eritrea

(4-5 pens)

ERETREA Cup Champions

 

PLATE SEMI-FINALS

Ghana

4 1

Tanzania

Kenya

0 0

Mauritius

PLATE FINAL

Mauritius 0 0 Ghana

MAURITIUS PLATE CHAMPIONS

Waxaa xusid mudan in jaaliyada Soomaaliyeed ee degan Magaalada London ay sanadkaan muujiyeen firfircooni dheeri ah koobkan loo qabtey jaaliyadaha dalalka Africa ee degan magaalada qaybaheeda kale duwan, ‘’African Nation Cup 2010 London’’ waxaana farxad ah in markii ugu horeysay taariikhda taageerayaal aad u farabadan oo sidata calamada dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa garoonka hareerihiisa ka wada dhiirigalinta dhalinyarada ka qayb galaysay tartankan qiimaha badan

W/D:YUSUF YUSUF



 





 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line