|
Waxaa magaalada London lagu qabtey galabta xaflad lagu soo dhaweynayay ciyaaryahankii hore ee kooxda Betroolka iyo xulka Qaranka dalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Guuleed oo ku magac dheer ‘’Amaan’’ Ciyaaryahan Amaan ayaa soo gaarey magaalada London todobaadkii hore, waxana uu ku nool yahay dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada Minneapolis.
Maanta ayuu booqasho gaaban ku yimid xaafada Southall kadib markii bahweynta isboortiga Soomaaliyeed ee xaafada Southall ugu sameeyeen xaflad si heer sare ah loogu soo shaqeeyay garoonka kubadda cagta ee featherstone Sports Center, iyadoo loogu qabtey ciyaar sharafeed ay si weyn ugu soo dhaxmuuuqdeen ciyaaryahanada kale ah Cabdikariin Abdulle Shiidle ‘’Black’’ kooxda Wagad, Mustafe Suleymaan kooxda Badda iyo Amaan Guuleed kooxda Betroolka iyo dhalinyaro kale. Ciyaartaas xiisaha badneyd waxay ku soo dhamaatey barbar dhac 2 goal iyo 2 goal, kadibna waxaana halkaa lagu gudoon siiyey koob lagu sharfey ciyaaryahanka,iyo shaahaado sharaf ay gudoon siiyeen bahda isboortiga ee reer southall Galbeedka London.
Waxaa halkaas hadalo kooban ka soo jeediyey ciyaarayahan hore Mustafa Suleymaan oo isagu ahaa dhalintii soo qaban qabisay xaflada sheegayna sababta ku kaliftay in la sameeyo hawshaan quruxda badan, walaalkeen Amaan Guuleed oo yimid magaalada London markaan maqalnay ayaan waxaa go’aansaney inaan soo dhaweyn ugu samayno xaafada Southall.
Waxaa kaloo halkaa isna kahadley ciyaaryahan hore Cabdikariin Abdulle Shiidle ‘’Black’’ sheegayna in wax badan ay garoomada kuwada dheleen, islamarkaana ay maanta sharaf weyn u tahay in si Soomaalinimo ku jirto markale aan ku kulana kuna wada ciyaarno magaalada London, mudane Black ‘’Wagad’’ ayaa halkaa koob ku gudoon siiyey ciyaaryahan Aamaan, si lamid ah shashaado sharaf kale ayaa waxaa gudoonsiiyey mudane Cumareeto ciyaaryahan Amaan, sheegayna inay sharaf u tahay reer Southall inay marti sooraan maanta.
Waxaana sharaxaad gaaban ka bixiyey mudane Ahmed Cabdalla Tigaana sababta keentay in loo aqoonsado amaan inuu yahay shaqsi wanaagsan ay tahay kow nin ka nadiif ah waxyaabaha xun oo dhan, waxaana lagu amaanay sida uu uga hufanyahay waxyabaha aan fiicnayn ee maanta dadka Soomaalida kale geeyay oo dhan oo ayna ugu horeysa Qabyaalada. Amaan waa nin isboorti ah welina taagan Soomaalinimo ayay reer Southall isla qireen galabta Ugu dambeyntii Xasan jaamac iyo Cumareeto ayaa ahaa kuwo ad uga hadlay wanaaga iyo walaaltinimada iyo soo dhoweynta Amaan Guuleed. Waxaana kamid ahaa dhalinyaradii isku soo dubaridey iyo kuwii kale ee ka soo qayb galey barnaamijkaan xiisaha badan, Mustafa Suleymaan ‘’farey’’ (Badda) Arinkan oo kale marar badan ayay ku dhacdey ciyaaryahano badan oo maanta caalamka ka dheela, laakinse mudane Cabdiraxmaan Guuleed ‘’Amaan’’ wuxuu I sheegay inuusan waligiis halmaameynin maalintaas oo u damcay inuusan dib dambe kubad u dheelin balse markii dambe ciyaaryahanadii , macalimiintii iyo dhamaan dadka Soomaaliyeed ay ku qanciyeen inuusan iska dhaafin kubadda ee uu sii dheelo, ilaa iyo maantana waxa u ku dhex jiraa isboortiga, waxaana leeyahay howsha isboortiga iyo bulshada isboortiga ah ee dhexda ugu jirtid ugu sii jir waligaa. W/D Yusuf Yusuf
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|