MUQDISHO: Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga Ibraahim Xuseen Cali [ROOMBO] ayaa hoygiisa magaalada Muqdisho waxaa uu qado sharaf ugu sameeyay Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada jiilka cusub ee Isboortiga iyo dhaqanka C/Qani C/llaahi Hilowle (C/Qani Jeenyo)oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay. Qado sharaftan oo ugu horeyn ku bilaabatay jawi aad u sareysa oo ay si weyn uga dhex muuqatay ismarxabayn iyo wada sheekaysi ku saabsan xaaladaha isboortiga dalka gaar ahaan Kubadda Koleyga Soomaaliyeed iyo marxadihii kala duwanaa ee kuwii hore iyo kuwa haatan. Ugu horeyn waxaa hadalkii qaatay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Koleyga isagoo sheegay in ay aad ugu faraxsan yahiin in ay maanta si farxad leh ay Muqdisho ugu wada qadeeyaan Mr. C/qani jeenyo oo uu ku tilmaamay ciyaaryahan hore oo haatan u taagan dhiirigelinta jiilka cusub wuxuuna ugu dardaarmay inuu ka caajisin dhiirigelinta dhallinyarada iyo sidii mar walba loogu hiilin lahaa horumarka isboortiga gaar ahaan Kubadda Koleyga. Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada jiilka cusub ee Isboortiga iyo dhaqanka C/Qani C/llaahi Hilowle (C/Qani Jeenyo) ayaa isaguna ugu mahadceliyay Casuumaadda uu u fidiyay Guddoomiyaha XSKK isagoo ku tilmaamay mas`uul qeyb weyn ka soo qaatay horumarinta Kubadda Koleyga iyo dhiirigelinta horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed. Qado sharaftan uu Guddoomiyaha XSKK Md. Ibraahim Roombo u sameeyay Guddoomiyaha NGSC C/Qani Jeenyo ayaa sidoo kale waxaa marti ku ahaa Guddoomiye ku xigeenka GOS Mr. Xasan Axmed Cabdi iyo mas`uuliyiin magac ku leh Isbooortiga Soomaaliyeed waxayn ku soo idlaaday jawi wanaagsan W/D Said Ibrahim "buuna"
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|