• Sii Dhaweyntii Eng. Cabdisamed Sh. Qaasim

 

Waxaa maqaayada Bilal lagu qabtay casho sharaf lagu sii sawootinaayey Eng. Cabdisamed Sh.Qasim oo usii socda magaalada Kismayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Xafladan casho sharafta ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyay naadiga Dixonn Fc.
Cashadan kadib ayaa waxaa halkaasi loogu duceeyay Eng. Cabdisamed waxaana Eebe looga baryay inuu nabad ku geeyo kuna soo celiyo.
Gabagabadii xafladan ayaa waxaa Guddomiyaha Afro-Canadian Mukhtar Cuti uu halkaasi hadiyad ay ururka ugu soo talo galeen Eng. Cabdsiamed hallkaasi ku siiyay.
Eng. Cabdisamed ayaa isagana xilkii Guddoomiyaha kooxda Dixon Fc ku wareejiyay Macallim Kamal.
Sidoo kale waxaa halkaasi abaal marrin lagu guddoonsiiyay Guddoomiyaha Hud Hud Mudane Cumar iyo gacanyarahiisa Taysan

TAARRIKHDA Eng. ABDISAMED OO KOOBAN
I. QOYSKIISA: Xaas iyo shan caruur ah, Maansha Allah.
II. WAXBARASHADIISA
Aasaasiga ah: Dugsigii Hoose ee Badhaadhe, Calanley iyo Dugsigii Dhexe ee Rugta Kismayu.
Dugsiga Sare: Xalane (Xamar) iyo Ganaane Kismayu.
Waxbarashadda Sare - Jaamacad:
• Ryerson University, Toronto, Canada, 2007 (MASc in Chemical Engineering)
• 14 US and 2 Japanese Patents
• Somali National University – Lafole College of Education, 1982 (BSc: Chemistry/ Math)
III. SHAQOOYINKIISA:
• Xerox Research Centre of Canada - XRCC, Mississauga (1995 – now)
• Canadian High Commission, Nairobi, Kenya (1995 – 6 bilood)
• United Nations Operation in Somalia –UNOSOM–National Officer–Kismayu (1993– 1994)
• Ganacsade – Xamar, Dhoobley, Diinsoor iyo Kismayu (1990 – 1992)
• Prof. Jaamacaddii Lafoole – Afgoi (1986 – 1989)
• Macalim Dugsigii Sare ee Sh. Xassan Barsame iyo Banaadir (1985/86) - Fasaladda 12aad
• Macalim Dugsigii Sare ee 15 May – Xamar (1984/85)- Fasaladda 12aad
• Macalim Dugsigii Sare ee Ganaane – Kismayu (1981/82 – 1983/84) – Fasaladda 12aad
• Macalim Xaruntii ilmaha ee Luglow & Jamaal Abdinasir – Kismayu (1976 – 1979)
IV. CIYAARAHA IYO SPORTS KA: CIYAARTOOY & TABABARE
• Coach: Rexdale Rebels 96 – 2010 Toronto Soccer Association and League Champions
(Abdilatif Sheik-Qasim -14 jir ah ayaa u ciyaara kooxdan)
• Aasaasihii Naadiga Dixon FC Toronto – in ka badan 150 caruur ah (2007- now)
• Naadiga CON KER ee Toronto Canada (2007 – now)
• XEROX: Horyaalka Sheridan Park Recreational Soccer League (2004, 05, 06, 07, iyo 08)
• COACH: Oakville Soccer Club (2001 – 2005)
• Certified Coach (Level III): Member of Ontario Soccer Association Coaches (2001 – now)
• Naadiga Pippil Elsalvadore Toronto (1995 – 1998)
• Aasaasihii kooxaha Kismayu xilligii dagaaladda sokeeye (1992)
• Naadiga Boostadda ee Magaaladda Garissa (1991)
• Naadigii Horseed ee Heerka Kowaad (1985 – 6 bilood)
• Naadigii Mogadishu ee Heerka Kowaad (1984 – 1990): Horyaalkii Soomaaliya ee 1987 kii
• Ciyaarihii Goboladda – Kubadda Cagta (1983 iyo 1984)
• Ciyaarihii Goboladda Volleyball (1982, 1983, iyo 1994)
• CAPTAIN: Naadiga Munishibiyo ee Kismayu (1982 – 1984): 2 horyaal & 2 Najib & Dadirey
• Horyaalkii Ciyaaraha Jaamacadaha Soomaaliya 1980 iyo 1981.
• Naadiga Dawlada Hoose ee Kismayu (1979 – 4 bilood)
• Xaruntii Luglow Vs Gobweyn, Yontoy, Bula-gaduud, Sanguni, Kabsuma (1976 – 1979)
• Xaafadda Fanoole Kismayu – ka hor 1976 (Soccer, Basketball, Volleyball, iyo Gymnastics)
MAHADCELIN GAAR AH:
• Waalidkii isoo barbaariyey
• Xaaskeyga iyo Caruurtayda
• Walaalahey iyo walaalaheyga Soomaali meel kasta oo ay joogaan
• Macalimiintii wax isoo bartay
• Macalim Abdulqadir Qariidi (xasuus gaar ah – Kabtii ugu horeysay ee aan ku ciyaaro)
• Dhammaan asxaabta Naadiga Dixon FC iyo asxaabta kale ee ilmaha gacanta ku haya
• Journalka Somali Canadian Times iyo website ka www.xiddiga.com iyo tifatirihiisa
Mr. Mohamed Busuri

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line