• AFRO-CAN SC OO CASHO SHARAF U SAMEEYEY WAALIDIINTA IYO 12 JIRADDA KOOBKII OHIO KU GUULEYSTAY

     

Akhristayaashayadda sharafta lahoow waxaa habeenimaddii Arbacadda ee ay taariikhdu ahayd April 25 keedii, 2012 casho sharaf loo sameeyey waalidiinta iyo xulkii ciyaartooydii 12 jiradda ahaa eek u soo guuleystay koobkii SPRING TOURNAMENT ee lagu dhigay magaaladda OHIO intii u dhaxaysay April 5-9 ee sannadkan.


Waxay xafladdan ka dhacday maqaayadda ISTAR RESTAURANT oo ahayd halkii laga ambabixiyey caruurtan.  Waxay xafladani ku bilaabatay ayaddo Quraan ah waxaana ku xigay warbixino la xiriira waxqabadkii naadiga Afro-Can SC iyo kaalinta looga baahan yahay waalidiinta caruurta si loo helo jiil uu jirkooda iyo maskaxdoodu fiyoowdahay.
Waxaa warbixin kooban bixiyey Omar Warsame oo ka mid ah madaxda Afro-Can SC isaga oo bidhaamiyey wixii laga bartay horyaalkii sannadkii hore isla markaasna shaaca ka qaaday inuu horyaalka sannadka 2012 uu bilaaban doono bisha MAY 15 keeda taasoo ay isga hor iman doonaan da’da U7, U9, U11, U13, U15 iyo U17 ka naadiyadda HILAC, HORSEED, HAMILTON & DIXON FC.


Ka dib waxaa halkaas lagu daawaday sawiro iyo VIDEO laga soo diyaariyey safarkii caruurta ee OHIO iyo MARCH BREAK gii sannad dugsiyeedkan ee lagu qabtay  Kipling CI. Ka qaybgalayaashii cashaddan ayaa ku tilmaamay dhacdadan wax aan horay loo arkin loona maqal taasoo ay aad u soo dhaweeyeen waalidiintu.
Waxaa xusid iyo mahadba mudan KAMAAL DHEERE oo ka mid ah waalidiinta ugu firfircoon magaaladda Toronto xaga VOLUNTEER ka caruurta iyo tababaridooda isla markaasna wakhti badan galiya labaddiisa wiil inuu aqbalo inuu marti sharaf ka noqdo xafladdan isla markaasna uu biladaha wax ka bixiyo.


Waxaa xafladda loogu bogaadiyey xaasaska iyo caruurta VOLUNTEER COACHES ka naadiyadda Afro-Can SC oo runtii la oran karo wakhti badan oo ay iqoysaskan u baahnaayeen u tabarucay una hibeeyey caruuraha yaryar ee Somaaliyeed ee aadka u tiradda badan ee ku nool magaaladda TORONTO.


Waxaa bilaabatay qaybtii ugu muhiinsaneyd xafladda waxaana biladihii horyaalnimadda mid mid qoorta loogu galiyey ciyaartooydii yaryareyd iyadoo lagu sharfay inay waalidiintu qoorta u galiyaan biladdaha, dabadeedna waxaa koobkii CHAMPIONSHIP ka ay caruurtu guddoonsiiyeen mulkiilaha maqaayadda ISTAR RESTAURANT, Istar Ali Ganey iyadda oo uu garab taagan yahay COOK ga weyn ee makhaayadda Mohamed Ramadaan Ali (Abtiyow) oo lagu tiriyo cunta kariyayaasha ugu caansan wadankan CANADA. Abtiyow ayaa wuxuu dhammaan cunto macaan ka haqab tiray ka soo qaybgalayaashii xafladda wuxuuna cadeeyey inuu diyaar la yahay mar kasta cunto FARO MURDIS ah oo aad u macaan xilli iyo maalin walbaba.

Haddaba maamulka Afro-Can SC wuxuu fariin u diyaara dhammaan waaliinta Somaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inay ku dadaalaan sidii ay caruurtooda u dhiirigelin lahaayeen una garab istaagi lahaayeen.  Waxaa mudan in lagu daydo qabanqaabiyayaasha barnaamijka sannad laha ah ee COLUMBUS OHIO ee ay hogaanka u hayaan Bashir Gelle, Mahad, Afrikano, Baqbaqaani,  iyo halyey Dr. Abdiweli iyo rag kale oo badan.
Waxaan halkan mahadweyn looga soo jeedinayaa COACHES ka iyo maamulka Afro-CanSC:

  1. Eng. Abdisamed Sheik-Qasim
  2. Omar  Warsame Mohamud
  3. Ahmed Abshir
  4. Mohamed Ali Busuri
  5. Hassan M.  Harbi
  6. Abdirashid H. Da’ar – Dirie
  7. Abdikarin Agil-Jibril – Codka
  8. Mukhtar M. Ahmed – Cuti
  9. Dahir Rage – Bodaye
  10. Jamal Dirie
  11. Adan Awale
  12. Ahmed Bakari  – Mahamaadi
  13. Ali M Abdi
  14. Ali A. Mohamud
  15. Abdulahi H. Siad
  16. Mohamed Doore
  17. Dahir Hussein – Marshalle
  18. Sadiq Mumin
  19. Ismail Yare

Waxaa kaloo mahad gaar ah leh waalidiinta safarka raacay sida Hassan, Abdiaziz,Careys ; ganacsadaha ISTAR RESTAURANT,iyo Website ka XIDDIGAHA.CA & SOMALI CANADIAN TIMES oo had iyo jeer garab taagan naadiga Afro-Can SC.




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line