• Anyelo iyo Baruko Cup Oo Guul Ku Dhamaaday

 

Waxaa Magaalada Toronto lagu soo gabagabeeyay koob loogu magac daray Anyelo iyo Baruko Allaha u naxariistee.

Koobkani ayaa waxaa si qurux badan usoo qaban qaabiyay ururka ILAMOS

Ciyaartii finalka ayaa waxaa isaga hor yimid kooxda Banadir iyo Scali's.

Labadan kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar aad u xiiso badan ugu dambeyntiina Scali's ayaa koobkani ku guuleysatay

Daawashada ciyaartan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxa xaafadda ay Soomaalida u badan tahay MPP Laura Albanese iyo Frances Nunziata "Toronto city councillor for Ward 11"

MPP Laura Albanese ayaa iyadu halkaasi shahaadooyin ku gudoon siisay macallimintii ILAMOS oo kala ah Macallim Bruno, Xaaji Ahmed Abukar " Axmadeey B", Farah Oday, Cabdi Deputati iyo Da'uud dheere oo aan isagu goobtaasi joogin balse shahadadiisa loo qaaday.

Maqaalkani oo maqal iyo muuqaal ah ka daawo xagga sare

More Pics coming soon

Sawir Qaade: Mohamed Ganey

W/D Mohamed Busuri

 

 

 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line