• GUDDIGA ISBOORTIGA EE ATLANTA OO GUUL KA SOO HOOYIYEY ISBOORTIGA VIRGINIA

Magaaladda Atlanta ee Cariga Mareykanka waxa ay ka mid tahay Magaalooyinka caanka ku ah Isboortiga qeybahiisa kala duwan,waxaana ay hoy u tahay Ciyaaryahano caalamka aad looga yaqaan isla markaana hore ugu soo guuleystay abaalmarino kala duwan oo illa iyo maanta lagu xusuusto,waxaana ka mid ah TOMMY SMITH,JOHN CARLOS,KEVIN YOUNG,EVANDER HOLYFIELD,MIKE SPINO,IAN DUPE iyado dhamaan halyeeyadaan ay saaxiibo dhaw ay la yihiin Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka ee Atlanta oo ay ka wada dhaxeeyo wada shaqeyn laga soo bilaabo sanadku markuu ahaa 1996 oo Atlanta ay Marti gelisay Tartankii Olimpigadda addunka.


Markii la arkay in Halyeeyadaasi ku noolyihiin Magaaladda Atlanta ayaa waxa la unkay Guddiga Isboortiga ee Atlanta muddo hadda laga jooga 15sano si ay ula jaan qaadaan Halyeeyadaan Isboorti oo ay ku wada kulmeen Tartankii Olimpigadda ee 1996,waxaana lagu guuleystay in la unko Guddigaasi isla markaana diiradda uu saaro sidii Isboortiga Atlanta loogu ridi lahaa wadada saxda ah oo lagu badbaadinaayo dhalaanka soo koraayo oo ku soo batay Magaaladda Atlanta loogana weecin lahaa wadiiqo kasto oo wax yeeleysaa mustaqbalkooda.
Waxaana durbadiiba la bilaabay dhadhaqaaqa Isboortiga Atlanta,iyadoo uu ugu horeeyey safaro lagu kala bixinaayo Goboladda uu ka koobanyahay USA inta waqtiga saamaxaayo si halkaasi looga abuuro isdhexgel iyo bilaabidda Tartamo Isboort oo ay Dhalinyaradda loo diyaariyo sida Kubadda Cagta,Koleyga iyo waxii kaloo isboorti oo ay awooda samaxeyso,iyadoo Dastuurka Guddiga Isboortiga uu ka mid yahay qodob adkeynaayo in mar kastaba laga qeyb galo Tartamadda Isboorti oo ay qabanqaabiyaan Guddiyadda Isboortiga ee Goboladda.
Haddaba,Guddiga Isboortiga isagoo ka duulaayo ahmiyadda uu Isboortiga leeyahay isla markaana fulinaayo qodobadda ku cad Datuurkiisa ayuu waxa uu ka qeyb galaa Tartamadda Isboorti oo lagu qabtao TORONTO,OHIO,VIRGINIA,NORTH CAROLINA,MINEAPOLIS IYO QAAR KALE waxaana uu ka oo hoyiyaa guulo oo ay reer Atlanta ku faanaan.
Waxaa Maanta sharaf noo ah in aan si buuxda uga qeyb galnay Tartamadii Isboorti ee dhawaan lagu qabtay Magaaladda VIRGINIA oo ah hooyadii Isboortiga ee Qurbaha.waxaana reer Atlanta Matalaayey Guddiga Isboortiga ee ka koobanaa AWEYS FUNDI,CAYDIID JEENYO,CABDIRASHIID BLASTIKO IYO MAXAMED CABDI SEYGA,halyeeyadaasi waxay Virgiinia la tageen iyagoo sita SHUCLADDII ISBOORTIGA ATLANTA,waxayna halkaa kula kulmeen Halyeeyo waayo badan aysan is arkin sida Halyey YUSUF SHAQAAQ iyo kuwa kaleba.
Haddaba si aan wax uga ogaano Safarkii Guddiga Isboortiga ee Atlanta ayaan waxaan wareysi gaaban la yeelanay Mudane CBADIRASHIID BLASTIKO oo ka mid ah halyeeyadda isboortiga Soomaaliyeed ugu qiimaha badan madama uu ka mid ahaa Kooxdii Kubadda Koleyga Qaranka Soomaaliyeed ee sanadku markuu ahaa 1979 ku guuleystay Biladii DAHABKA aheyd Tartankii Dugsiyadda Carabta ee lagu qabtay Magaaladda Muqdishu,iyadoo aan weydiinay guud ahaan waxyaabihii ay la kulmeyn,waxaana uu Cabdirashiid Blastiko uu la soo booday amaan uu u jeediyey Guddiga Isboortiga ee VIRGINIA oo runtii muujiyey dadaal aan la koobi karin,waxa halka ay isugu keeneen Halyeeyo Taarikh ku leh Isboortiga Soomaaliyeed oo kala maqnaa muddo aad u dheer,waxay mar kale muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin in ay dadalkooda labalaabaan,waxay fursad noo siiyeen in aan la kulano ka soo qeyb galayaashii lana socodsiino halka uu maraayo Abaabula Isboorti ee Atlanta oo November lagu qaban doono tartamo Isboorti oo aan rajeyneyno in uu noqdo mid taarikhda xusto,Mudane Cabdirashiid Blastiko waxa kaloo uu carabka ku dhuftay in uu bixiyey talo ah in Tartamadda soo socda laguu daro Kubadda Koleyga oo ay maanta dhalinyarao badan ay xiiseeyaan,waxaana uu amaanay Kooxdii yaryarka aheyd ee ka socotay gobolka MAINE uu uu Hogaaminaayey Halyey Isboorti Soomaaliyeed Mudane CABDULAAHI XIRSI kuwaa uu ku tilmaamay in ay ahaayeen kuwa soo jiitay indhaha ka soo qeybgalayaasha waxaana uu cadeeyey in Isboortiga uu mar kastaba ku wanagsanyahay in laga soo bilaabo gunta hoose taa oo dhalin karta in la helo dhalinyaro u jajaban qeybaha kala duwan ee isboortiga,waxaana halkaa Cabdirashiid loogu tumay Sacab aad iyo aad u weyn.
Ugu dambeyntii,waxa Xubnaha Guddiga oo nooga qeyb galy Tartankii Isboorti ee Virgiinia Amaan iyo Bogaadin u jeediyey Gudoomiyaha Jaaliyadda Inj. Cumar Shiikhey iyo Gudoomiyaha Isboortiga Dr. Cali Cusmaan Cali iyagoo ku boogaadiyey dadaalka ay muujiyeen,uuna sheegay Dadka reer Atlanta in ay u diyaargaroobaan Tartanka Atlanta
.

W/D Dr. Ali Osman

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line