• Baxreyn oo10-0-Ku Gawracdey Induuniisiya

Jakarta-03-03-2012-xiddigaha.com tirsaneyd isreeb-reebka koobka kubadda cagta ee aduunka laguna qaban doono Baraasiil 2014.

Ciyaartan oo ahayd ciyaartii Abid ugu fadeexadda badneyd ee soo marta taariikhda kubadda cagta ee koobka aduunka taas-0. oo dhexmartey xulka baxreyn iyo xulka Induuniisya ku,haddabana soo gabagaboodey Baxreyn 10- Induuniisiy.Ciyaartan oo ku bilaabatey adhi garoon la iskugusoo xareyey ayaa daqiiqaddii 4-aad ayaa baxreyn heshey rigoore waxaana u saxeexay abdulatif
rigoorahana wuxuu galaaftey goolhayihii Induuniisia loona raaciyey RED CARD, haddaba masiibadu waxay ku dhacdey goolhayihii bedeley markii lagu soo dhaweeyey goolkii labaad daqiiqaddii 16-aad waxaana ku bashaaley Al-Tayeb, kii 3-aad oo rigoora ahaa waxaa calaf u yeeshey-34- M-Abdulraxmaan,
daqiiqaddii 41-aad kii 4-aad waxaa u raaciyey isla M Abdlraxmaan,farikamaqodna faanoole kii-5aad waxaa dhaliyey daqiiqaddii 60-aad Al-Tayeb,kii 6-aadna waxaa k,u hubsadey Sayed Shubbar daqiiqaddii 62-aad ,war maxaa ka dhacay Jakarta kii 7-aadna waxaa daqiiqaddii 65-aad ku farayareystey Al-Tayeb,daqiiqaddii 71-aad waxaa kii 8-aad la daala dhacay Abdulatif,wagagac daqiiqaddi 82-aad waxaa 9- aad caajiska iskaga kiciyey Sayed Shubbar,kii 10-aad ee qalbi jabka waxaa daqiiqaddii 90+4-waxaa ku macasalaameeyey Sayed Shubbar. Labadan ayaa 6-jeer kulmey min laba jeer wey kala badiyeen laba jeerna waxay ku kala baxeen bar-bardhac.

Haddaba fadeexadani waxay fartu ku godantahay oo ay baadhis ku so socotaa tababarha Xulka induniisia oo u dhashey Ingiriiska Peter Taylor,iyo garsoorihii ciyaarta dhaxdhexaadineyey oo isna u dhashey Lebnon Andre Al-Hadaada iyo qaar kale oo farabadan.


W/D-Jaahuur-Ottawa
xiddigaha.com





Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line