• Sukao Oo Kala Dirtay Al-Hijra

Waxaa maanta la ciyaaray kulamadii labaad ee Guruub A – da, ciyaaraha ka soconaya magaalada caasimada ah ee Helsinki taasoo ay soo qaban qaabisay Ururka  EuroSom isla markaana ay gogoshana fidisay Ururka Dhalinyarada Kanava ee Finland.

Kulamadii maanta la ciyaaray oo dadka badankii ay sii saadaaliyeen ayaa noqotay hal bacaad lagu lisay ka dib markii kubadda ay isu badashay qaab aan hore loogu sii tashan inkastoo daawadayaasha ay isku qancinayeen inuu banoonigu yahay cad iyo madoow.

Kulankii hore ayaa waxaa fooda is daray kooxaha ka kala socday Bristol UK iyo W – Qaraabo Denmark, haddii aan mid-mid uga faaloono kulamadii ay hore usoo ciyaareen ayaa kooxda Al-Hijra waxaa 6 iyo 0 kaga badisay kooxda ay isku guruubka yihiin ee Bristol;Halka kooxda kale ee W- Qaraabo ay iyadu kulankii hore barbaro 0 – 0 la gashay kooxda Sukao Norway, hadaba kooxda Bristol oo wax weyn iska soo badashay iyo kooxda W – Qaraabo Denmark oo dar dar kusoo gashay ayaa fooda is daray maanta kulankii koowaad ee la ciyaarayay.

Kooxda W- Qaraabo ayaa goolka ku hormartay daqiiqadii 22- aad ee qaybtii hore cayaarata waxaana goolkaasi u saxiixay ciyaaryahankooda xidigga ah ee Sakariya, hase  yeeshee  Bristol ayaa shan daqiiqo ka dib iska soo magtay goolkii lagu lahaa, waxaase markale ka carooday barbarahaasi ciyaaryahan Sakariye oo gool labaad kooxdiisa u keenay daqiiqadii 44 – aad ee isla qaybtii hore ee cayaarta.

 Ciyaarta waxaa lagu kala nastay 2 – 1 oo ay ku hogaaminaysay W- Qaraabo Denmark, dib ayaa la isugu soo laabtay ciyaarta qeybteedii danbe, kooxda Bristol oo aad moodaysay in si weyn loo soo canaantay ayaa jawigii ciyaarta wax weyn ka badashay oo inta badan qeybtii danbe ee ciyaarta aad bay ugu gacan saraysay, inkastoo kooxda Qaraabo ay is dhigatay kuna fakartay hadii Bristol ciyaartii hore 6 – gool loogu badiyey maanta waxaad ku badin doontaan goolal intaas ka badan.

Kooxda Bristol waxay iska qasaariyeen fursado goolal lagu dhalin karay halka kooxda W- Qaraabo oo ciyaar aad u sareeysa soo bandhigtay kulankii hore uu ka muuqday habacsanaan aad u weyn waxaana daqiiqadii 18:37 ee qeybtii danbe ee ciyaarta ay heleen fursad gool ah oo uu usaxiixay ciyaaryahan Abadukadir Nuur oo lambarka 10 – aad u sitay kooxda Bristol.

Jawiga garoonka ayaa laga dareemayay in dadkii ay hurdada ka tooseen isla markaana Bristol waxay halkaasi ku kasbatay taageerayaal u sacabo tumayay.

Nasiib daro kooxda W- Qaraabo laacibkooda lambarka 9 – aad oo ahaa xiddigii garoonka ayaa kubad uu ku caawiyey ciyaaryahanka lambarka 7 – aad waxaa kusoo baxay goolhayaha kooxda Bristol hase yeeshee wuxuu si khalad ah u haraatiyey goolhayihii, taasoo garsooruhu ku ganaaxay calaamadda Casaanka ama gaduudka isagoo hore jaalle u qabay.

Goolhayaha Bristol ayaa garoonka laga soo saaray waxaana dhaawac uu kasoo gaaray jilibka bidix taasoo kaliftay in Goolhayahu uu socon kari waayey inkastoo garsooraha uu ciyaartii seerigii dhamaadka ka dhawaajiyey halkaasina ay Bristol rajadeedii dib ay ugu soo noqotay, waxaana kulankaani uu kusoo idlaaday 2 – 2 labada kooxood ayaa kala leh Bristol 1 – dhibic halka W – Qaraabo ay leedahay 2 dhibcood oo labadii kulan oo ay yeelatay marna ma aysan  badin lagamana badin.

Kulankii kale oo lawada sugayay ayaa waxaa iska hor yimi kooxda Al – Hijra UK oo iyadu koobkaan sannadkii hore ku guuleysatay isla markaana quwadeeda ciyaaareed kulanki hore kusoo bandhigtay 6 – 0 oo ay kaga adkaatay Bristol iyo kooxda kale Sukao Norway oo kulankoodii hore 0 – 0 la gashay kooxda W – Qaraabo.

Ciyaartan oo la is lahaa Al – Hijra waa ay dar dari doontaa Sukao ayaa waxaa ciyaartii ay isu rogtay lama arag oo lama maqal ka dib markii laf dhuungashay ay ku noqdeen kooxda da’da yar ee Sukao.

Waxaana ay Sukao heleen gool qurux badan oo u saxiixay ciyaaryahanka lambarka 20 – aad u sitay kooxda Sukao taasoo ku filneysiisay inay ku samar siiyaan kooxda Al – Hijra iyadoo ciyaarta 90 – kii daqiiqo kusoo idlaatay 1 – 0 ay guushu ku raacday kooxda Sukao Norway.

W/DAbdiaziz Godah

Helsinki-Finland

 

 


 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line