
Alaska-Nov-26-xiddigaha.com-Ottawa-Iga raali ahaada maalmihii yaraa ee aynu kala maqneyn,qormadeena ciyaaraha waxaynu ku soo qaadaneynaa orodyahanka ee reer kiiniya Marko Cheseto oo lug laga jarey markii laba maalmood la waayey meel uu jaan iyo cirb dhigey kuna qombabey barafka gobolka Alaska ee wadanka mareykanka.
Haddaba Markii uu Marko Cheseto oo u orday Jaamacadda Alaska uu lumay ma uusan xirnayn wax dhar ah oo qabowga ka celiya.
Markii la soo helay sagaalkii bishan November waxaa uu ahaa mid barafoobay oo cagaha iyo gacmuhuna qallaleen.
Saraakiil jaamacadda ka tirsan waxay sheegeen in la filayo in gacmihiisu si buuxda u bogsadaan.
Jaamacaddu waxay sheegtay in Mr Cheseto oo baranayay kalkaaliye caafimaad iyo quudinta uu muddo ku sii jiri doono isbitaalka.
Orodyahanku waxaa uu yiri anigoo weli ka soo kabanaya dhibkii igu dhacay jir ahaan iyo dareen ahaanba, waxaan u mahadcelinayaa jaamacadda iyo mutadawiciintii baadigoobkeyga ka qayb galay, waxaana aan ku dadaali doonaa inaan u abaalgudo bulshadii aadka ii caawintay iyo dalka aan u dhashay ee Kenya.
.
Markii la soo helay waxaa la sheegay in koox caafimaadka ah ay lugihiisa ka saari waayeen kabihii sport-ga ee uu gashanaa oo jirkiisa ku qallalay.
Intii uu jaamacaddaas ku jiray, Mr Cheseto, waxaa uu dhigay waqti cusub oo uu ku sameeyay orodka nus maaratoonka ee magaalada jaamacadda ka dhacay sanadkii 2010, waxaana uu ku guulaystay dhowr jeer oroddo ay ka qayb galeen dhammaan ardayda.
Su’aasha qofkastaa isweydiinayaa waxay tahay Marko Cheseto ma jaahilnimo ayeey ka ahayd mise isagaa doonayey inuu iskhaarajiyo marka uu magaalo aabo u ah barafka kabaha orodka iyo matante tababar ku sameynayo.
W/D-Jaahuur,Ottawa xiddigaha.com

|


Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|
|