| Labo bilad dahablaha horyaalka oradada 5,000mitir iyo 10,000mitir European champion-ka 2010 ciyaaryahan Maxamed Faarax ayaa doonaya inuu markale ku guulaysto tartanka cayaaraha Commonwealth Games oo lagu wado in lagu qabto bisha Oktobar magaalada Delhi dalka India. Liiska ciyaartooyda dalka England uga qayb galaysa tartanka ka furmaya bisha Oktoobar oo shalayto la shaaciyay ayaa waxaa ka mid ah 3 ciyaaryahan oo haysato biladaha dahabka European-ka xulka Ingiriiska. Mo Farah ayaa la filayaa oradada 5,000mitir iyo 10,000mitir tartan adag kula gali doonaa garoomada magaalada Delhi ciyaaryahanada u dhashay dalka Kenya oo lagu yaqaan inay raxan raxan uga soo qayb galaan tartamada kadibna hantaaan biladaha kaalimaha 1aad,2aad iyo 3aad. Maxamed Faarax hada waa ninka haysta biladaha dahabka oradada 5km iyo 10km ee Yurub 2010 laakinse tartankaan ka dhici doono magaalada Delhi, waxaa ka soo qayb gali doono ciyaaryahano qatar ah oo haysta horyaalka aduunka iyo kan Olampikada, taasoo lagu kale ogaan doono farqiga u dhaxeeya awooda ciyaaryahanada ka orda dalalka Yurub sida Mo Farah oo kale iyo kuwa Afrika ka yimaada sida kuwa Kenyaanka oo kale. Maxamed Faarax oo u ordaya dalka Ingiriiska ahna wiil Soomaaliyeed,ayaan u rajaynayaa inuu kaalinta koowaad ka soo galo tartanka cayaaraha Commonwealth Games insha Allah.
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|