|
Danjire Maxamed Axmed Caalin oo ka mid ahaa halgamayaashii isboortiga Soomaaliyeed ee barisamaadkii, xilal kala duwana ka soo qabtay maamulkii dalka ka jiray ha noqoto dhanka isboortiga iyo siyaasadda ,haatanna aan wali ka daalin dhiirrigalinta,toosinta, iyo horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee isboortiga gaar ahaan kuwooda qurbaha ku nool ayaa booqasho gaaban ku yimid gobolka Minnesota , isaga oo markaasi ka jawaabayay casuumaad gaar ah oo ay u fidiyeen guddoomiyihii hore ee naadigii Horseed mudane Yuusuf Muuse Faarax iyo macallinkii hore xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubadda cagta iyo naadigii Horseed Alsaciim Macallim Ibraahim Suudaani.
Qado sharaf aan loo kala harin oo ay ka soo qaybgaleen odayaasha isboortiga ee Minnesota, dhallinyarada iyo haweenka ayaa maalinimadii Axadda oo taariikhdu ay ku beegnayd 10/12/2001 loogu qabtay makhaayadda Marine Grill...waxaana ugu horreyntii halkaasi ka hadlay Guddoomiyihii hore ee naadiga Horseed Mudane Yuusuf Muuse oo isagu ku soo dhaweeyay Danjire Caalin gobolka Minnesota ,Waxaana uu warbixin kooban ka bixiyay Ambassador Caalin xilligii uu guddoomiyaha ka ahaa naadigii Horseed iyo waxqabadkiisii ku salaysnaa horumarinta isboortiga ee naadigii Horseed (Cawo iyo Maalin).
Sidoo kale waxaa isaguna halkaasi ku soo dhaweeyay guddoomiyaha Isboortiga ee gobolka Minnesota Cabdi Cali Macallin oo ka warbixiyay isboortiga gobolka Minnesota iyo sida isboortiga Minnesota ay ugu faraxsan yihiin soo dhaweynta shakhsi qiimo badan ugu fadhiya ummadda Soomaaliyeed guud ahaanteedaba ,gaar ahaan inta ku hawlan horumarinta isboortiga.
Abdi Yuusuf ayaa isaguna ka hadlay taariikhdii ambassador Caalin oo uu ku tilmaamay inuu ahaa halyey marka laga soo bilaabo 1960kii ku hawlanaa horumarinta isboortiga Soomaaliyeed , ilaa haatanna oo dawladdii Soomaaliyeedna aysan tabar badan lahayn uu wali hawshii isboortiga ku guda jiro.
Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Macallin Qariindi iyo garsoore caalami Qolof, oo iyaguna ku soo dhaweeyay Ambassador caalin gobolka Minnesota...Macallin Qariindi ayaa isagu taariikh dheer ka bixiyay heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan kubadda cagta xilliyo kala duwanaa.
Tababare Shiikha oo isagu ku hadlayay magaca dhallinyarada ka cuslaatay isboortiga ee wiilasha iyo gabdhaha ayaa ku soo dhaweeyay Ambassador Caalin gobolka Minnesota ,waxaana uu ku ammaanay sida Geesinimada iyo Soomaalinimada ay ku jirto uu har iyo habeen u garab taagan yahay dhallinta soo koraysa, una taagan yahay goobaha ay dhallinyaradu isugu timaado taasoo uu aad uga horreeyo qaar badan oo waqtigoodii ku dhammaystay fadhi ku dirirnimo.
Ugu dambayntii Ambassador Caalin oo isagu halkaasi ka hadlay ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta reer Minnesota iyo casuuumadda ay u fidiyeen, waxaana uu ku ammaanay reer minnesota dadaalka iyo midnimada iyo wadajirka ay uga horreeyaan Soomaalida kale ee ku nool qurbaha.
Danjire Caalin ayaa isagu taariikh dheer ka bixiyay isboortiga Soomaaliyeed marxaladihiisii kala duwanaa ee uu soo maray iyo guulihii uu ku tallaabsaday iyo haatan heerka uu marayo oo loo baahan yahay in sare looga sii qaado....Dhallinta Minnesota ee ka qaybgashay cayaarihii saaxiibtinimada ee qurbajoogta oo lagu qabtay Djabuuti 2008kii ayuu tusaale wanaagsan u soo qaatay inay ahaayeen kuwo aad ugu bisil cayaaridda K/Koleyga oo qaab cayaareedkoodii uu aad uga helay xilligaasi oo uu isagu goob joog ka ahaa, waxaana kooxda tababarayaal u ahaa tababare shiikha iyo tababare Axmed Daahir. Mar uu ka hadlayay isboortiga London ayuu ku tilmaamay mid heerkiisu sarreeyo, oo ciyaartooy faro badan iyo macallimiin aqoon durugsan u leh noocyada cayaareedba ay joogaan, hase yeeshee dhibaatada ugu wayni ay ka jirto midnimo xumo oo ilaa 30 urur oo halkaasi ka jira ay dhammaantoodba si gooni gooni u socdaan oo muwaafaqo aysan jirin....waxaana uu sheegay in isaga iyo Odayaal kaleba ay u tafaxayteen inay ka shaqeeyeen isu keenidda ururadaasi si loo horumariyo oo loo taakuleeyo isboortiga Soomaaliyeed. Danjire Caalin ayaa ugu dambayntii halkaasi ka akhriyay baaq ay bulshada isboortiga ee UK u direen Madaxweynaha Dawladda KMG,Raiisulwasaaraha iyo guddoomiyaha Barlamaanka , kaasoo ay uga hadlayeen horumarinta isboortiga Soomaaliyeed iyo sida looga gudbi karo caqabadaha jira, taasoo uu ka codsaday in reer Minnesota ay iyaguna baaqaasi ka qaybqaataan si xor ah, wixii fikradahoodana ay ku biiriyaan...baaqaasi ayaa waxaa ku saxiixnaa ilaa 100 qofood oo ka tirsanaa ciyaaryahannadii barisamaadka gabdho iyo wiilal , macallimiin iyo masuuliyiin intaba. Baaqaasi, Jaaliyadda isboortiga soomaaliyeed ee ku nool boqortooyada ingiriiska ayaa xambaarsanaa fariimo aad u culus oo ay ugu muhimsanaayeen 5 qodob oo u qornaa sidan: 1) In wasaaraddu ka faaiidaysato aqoonta iyo waayoaragnimada cayaartooydii,macallimiintii,garsoorayaashii iyo dadkii horay u maamuli jiray isboortiga si aan loo lumin xirfadda iyo awoodda ay ku kordhin karaan Isboortiga, dibna loo dhiso naadiyadii iyo kooxihii dalka horay uga jiray ama la dhiso qaab cusub oo tartamada lagu maamulo maadaama ay wax iska badaleen, loona adeegsado isboortiga isu soo dhawaanshaha bulshada iyo ka hortagga xagjirnimada. 2) In loo sameeyo sharci ama xeer qaran oo qeexaya xiriirka wada shaqaynta iyo xuquuqda inta ku dan leh sida Wasaaradda Isboortiga,G.O.S,xiriirada, dugsiyada,jaamacadaha,ciidamada qalabka sida,gobolada iyo degmooyinka.(Job description and competencies). 3) Waxaan dawladda KMG ka codsanaynaa in wasaaradda Dhallinyarada,bulshada iyo Isboortiga loo magacaabo dad aqoon iyo waayo aragnimo durugsan u leh gaar ahaan Isboortiga, lagana daayo haddii ay suurogal tahay bedelaadda degdegga ah. 4) Waxaa loo baahan yahay in degdeg lagu xalliyo is afgarad waaga iyo khilaafaadka gaamuray iyo jahwareerka ka dhex jira wasaaradda Isboortiga iyo G.O.S.,meelna looga soo wada jeesto horumarinta isboortiga dalka. 5) In la joogteeyo xiriirka ka dhaxeeya qurbojoogta,wasaaradda isboortiga iyo guddiga olymbikada, garwadeena ay ka noqoto wasaaradda Isboortiga iyo dhallinyarada. Haddii ay suurogal tahayna la qabto shirar wada tashi isboorti, laguna qabto dalka gudahiisa. Casuumaddaasi qadada iyo shirkaasi daba socday ayaa ku soo idlaaday jawi aad u qurux badnaa,iyada oo dib dambe ay u fariisan doonaan reer Minnesota, si la isula jeexjeexo baaqaasi uu Danjire Caalin soo jeediyay,go’aanana looga soo saaro. Waxaa iyaduna xusid mudan in qado sharaftaasi ay ka soo qaybgashay Astur Jaamac oo iyaduna gobolka Minnesota Marti ku ah. Diyaariye:Shiikha
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|