• DHALAANKA SOO KORAAYO EE ATLANTA OO GUULO SOO HOYAY

Waxaa xaflad aad iyo aad loo soo agaasimay lagu qabtay Tuuladda Isboortiga ee Atlanta,taa oo loogu dabaaldegaayey Guulo Isboorti oo ay gaareen dhalaanka soo koraayo ee Atlanta ka dib markii ay soo hanteen Koobab iyo Bilado Isboortiga oo ay kaga soo guuleysteen dhalinta kale ee Atlanta oo ay hiwaayadoodu tahay Isboortiga.

Xafladaasi waxa ugu horeentii ka hadlay Xoghayaha Guddiga Isbortiga iyo Dhaqanka isla markaana ah Tababaraha Kooxaha Kubadda Cagta ee JUBBA Mudane Cabdulqaadir Xasan Cadde(Caydiid Jeenyo) oo si mug leh uga warbixiyey marxaladihii kala duwanaa oo ay Kooxdani soo martay,isagoo cadeeyey in waalidiinta Caruurtani ay mar kastaba u ahaayeen saldhig abaabulka iyo isku dubarididaoo runtii dadaalkaasi aanu maanta ku gaarnay guulaha aanu u dabaaldegeyno.waxa kaloo uu CAYDIID JEENYO ka warbixiyey sida uu Isboortiga uu qeyb ugu qaadan karo koritaanka Dhalaanka iyadoo ay Isboortiga caruurta u horseedi in uu helo Caafimaad buuxa isla markaana uu ku noqdo qof bulshadda wax la qeybsan kara mustaqbalka.,waxa kaloo uu sheegay in mustaqbalka dhaw aanu ballaarin doono mashruucaan diiradda saaraayo ku abaabinta Isboortiga ee dhalaanka soo koraayo ee Atlanta,ka dibna u gudbi doona Goboladda noo dhaw oo ay qubaradda Isboortiga joogaan si aanu isaga khashano ka gun gaaridda hadafka uu xambaarsanyaha Barnaamijkaasi,ugu dambeyntii waxa uu warbixintiisii ku soo gunaanaday isagoo ballanqaaday isagoo khashanaayo Tababare CABDIQANI,waalidiinta iyo Guddiga Isboortiga in aan albaab kastaba u garacno sidii aanu uga mira dhalin laheyn barnaamijkaan baaxadda wayn.
waxa kaloo Xafladaasi ka hadlay Gudoomiye Kuxigeenka JAALIYADDA SOMALI-AMERICAN MUDANE CABDIKHALIQ isagoo sheegay sida Guddiga Jaaliyadda uu raali uga yahay shaqadda baaxadda weyn oo ay hayaan Guddiga Isboortiga,taa oo runtii mudan in lagu amaano waayo waa shaqo si toos ah u taabaneyso bulshadda gaar ahaan ubadka soo koraayo oo runti kala dagaalameyso waxyaabaha xun xunka ah oo mustaqbalkooda wax yeeli kara,sida kale waxa xafladaasi ka hadlay Mudane CABDIRASHIID CABDULAHI oo ka tirsan Guddiga Isboortiga iyo dhaqanka isla markaana ah Dhaqtar ku takhasusay xagga Caafimaadka waxaana uu sheegay doorka qiimaha leh uu Isboortiga ka ciyaari karo caafimaadka dhalaanka soo koraayo oo sameyn wanagsan ku yeelan karta koritaankiisa jireed iyo maskaxeed,waxaana uu cadeyey in Isboortiga uu ka hortago Jirooyinka qatarta ah oo dadka asiiba,waxaana uu ku soo gabagabeeyey in aanu muhimadda siino Isboortiga iyo macluumaadka la xiriira.
Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka waxa sharaf weyn u aheyd in uu xafladaasi kala soo qeyb galo Mudane AXMED XASAN oo dhawaan ku guuleystay doorashadii Golaha Degaanka ee CLARKSTON oo ka tirsan Degaanadda ay ka koobantahay Magaaladda Atlanta,taa oo runtii noqon doonta mid ku dayasho mudan kuna dhiirigelineysa aqoonyahanadda reer Atlanta gaar ahaan iyo guud ahaan Aqoonyahanadda reer USA oo ka soo jeeda Dalka Soomaalia,waxa sidoo kale aan halkaan hambalyo taa la mid ah aan u direynaa shaqsi kale oo Soomaali ah oo isna dhawaan ku guuleystay Golaha Degaanka ee MINEAPOLIS OO LAGU MAGACAABO CABDI WARSAME,waxa aniga oo ah DR. CALI CUSMAN CALI sharaf ii ah in uu i soo wakiishay Mudane Maxamuud Axmed Nuur(Tarzan) oo ah Gudoomiyaha Gobolka Benaadir Ahna Duqa Magaaladda Muqdishu isagoo isoo faray in labadaan Mudane aan u gudbiyey dareenkiisa ku aadan Guusha taarikhiga ah waxaana hadaladii uu i soo faray ka mid ahaa.(Waxaan aad iyo aad ugu khushuucay markaan maqlay guusha ay gaareen labadaan Mudane oo runtii taarikhda geli doonta,Ka duq magaalo ahaan waxaad iga gudoontaan Hambalyo kal iyo laab ah,waxaana aad qaadeen talaabo geesinimo leh oo ay jiilalka soo korayaao idinka dayan doonaa,waxaan idin sheegayaa in khibradiina iyo waayoaragnimadiinaba ay u baahanyihiin Goboladda Soomaali oo dhan oo runtii uu waxyeelo ka soo gaaray dagaaladii ahliga ahaa,waa in aanu is dhaafsano khibradaha iyo maclumaad kastoo sameyn ku yeelan kara dib u soo nooleyntii Goboladda Soomaaliya,ugu dambeyntii waxaan idin leeyahay Hambalyo iyo guul ayaan idin rajeeyey,
Waxaan shirkaasi isna goob joog ka ahaa Gudoomiyey ku-xigeenka Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka Mudane Aweys Muse Arbow(Aweys Fuundi) oo mid ahaa halyeeyadii Isboortiga Soomaaliyeed taarikh dheer ku leh,iyadoo ay shirkaasi joogeen Hooyinkii dhalay Ubadkii loo dabaaldegaayey,waxaana xafladii ku soo dhamaatay si heer sare ah


Kooxda isboortiga ee Atlanta


Dr Cali Cismaan oo dabaaldeg la qeybsana Axmed Xassan oo ku guuleystay doorashadii dhawaan la qabtay


Tarzan, Guddoomiyaha goblka Banadir iyo Duqa magaalda Muqdisho
 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line