• Rochester & Dixon Oo Fodda Is Dari Doona

Ramadan Cup SOCAYA 2010. Kooxda Rochester NY oo hore uga soo guuleysatay Seif Stars ayaa kullankeedi labaad la yeelatay kooxda dhallinta yare ee Iftin.

Ciyaartan oo aad u xiiso badnayad ayaa waxa ay guusha 5-1 ku raacday Rochester NY.

Kooxda Rochester ayaa ciyaarta semi-finalka la yeelan doontaa kooxda Dixon FC oo iyadana ciyaarteedi labaad 2-2 ay isla dhaafi waayeen kooxda Toronto United.

Ciyaarta labaad ee Semi-finalka waxaa wada ciyaari doonaa kooxda Seif Stars iyo Toronto United.

Labadan kullan ee Semi-finalka waxaa la ciyaari doonaa Sabtida soo socota oo ay bishu tahay September 4, 2010.

Xassan Tuke, Guddoomiyaha ururka Somali Canadian Youth Association "SOCAYA" oo booqasho ku jooga magaalada Dubai ayaa la soo xiriiray shabadda xiddigaha.ca Mr. Hassan Tuke ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida quruxda badan ee uu tartanka u socodo.

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca

 

 

 

 

 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line