• DR. CALI CUSMAAN:FARMAAJO,BAHDA ISBOORTIGA ABAAL AYEY KU HAYSAA

Waxa sanad kasto waqtigaan oo kale la qabta Tartan Isboorti oo ay qabanqaabiso Guddiga Isboortiga ee OHIO,waxaana Tartankaasi la soo qabanaayey 12kii sano ee ugu dambeysay,waxaana Guddiga Isboortiga ee OHIO ay u galaan qabanqaabo aad iyo aad u sareysa madaama Tartankaasi uu yahay mid kulmiya Bahweynta Isboortiga ee ku nool Waqooyiga Ameerika,waxaana sanadkaan ka soo qeyb galay Wafuud Isboorti ee ka kala socotay GobolO kala duwan ee dalka Mareykanka iyo Wafdi ka socday Canada (TORONTO),

waxayna sanadkaani ahaa kan ugu qiimaha badnaa inta la soo qabtay,waayo waxa ka soo qeyb galay Halyeeyo Magac iyo Maamusba ku leh Isboortiga Dalkeyna kuna soo dhex jiray Isboortiga muddo aad iyo aad u fog,iyago ay shacbiga Soomaaliyeed ay u hayaan sharaf iyo wanaag,waxa kaloo intaa dheereed in lagu casumay tartankaasi in uu furo iyo in uu bixiyo Koobaabka Mudane Dr. Maxamed cabdulaahi Farmaajo oo ahaa ra'isul wasaariihii hore ee dalka Soomaaliyeed isla markaana ahaa shaqsi ay aad iyo aad u qiimeyaan Ummadda Soomaaliyeed madaama uu muujiyey Hawkarnimo ay ku dheehantahay daacadnimo muddii yareed uu jagadaasi hayey.
Ka dib martkii uu Tartankii xariga ka jaray,ayuu Mudane farmaajo waxa uu shir la qaatay halyeeyadii Isboorti ee ka soo qeyb galay Tartankaasi,waxaana uu halkaa Mudane Farmaajo ka jeediyey khudbad Taarikhi ah oo ay u khushuucaan ka soo qeyb galayaashii,waxaana uu Khudbadiisii ku bilaabay:.
Waxaan Maanta qirayaa in Bahda Isboortiga aysan qeyb ka aheyn mushkiladda ka taagan Dalka Soomaaliya,waayo dadka maanta horteeda fadhiya,waa kuuwii soo wada Ciyaari jiray,wax soo wada tababari jiray,Isboortiga Soomaaliyeed soowada Maamulay in ka badna 45 sano,waxaad Ummadda u muujiseen in aad tihiin dad ay ku dheertahay Soomalinimadda,Daacadnimadda iyo Kalsoonidda,taa maanta waxaad ku kasbateen in aad taarikhda ka gashaan meelaheeda qiimaha leh,waxaanaaan Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay Tusaale ka qaataan Halyeeyadaan Isboorti oo ku midoobay Magaca Qaranka Soomaaliyeed,waxa kaloo Mudane Farmaajo cadeeyey in Geesiyadaan Isboorti ay saldhig u noqon karaan xal u helidda dhibaatadaan gaamurtay ee haysata ummadda Soomaaliyeed,waxaana aan idinku hambalyeenayaa sida aad ummadda Soomaaliyeed aad ugu muujiseen in Qaran lagu dhisi karin kala qeybsanaan,laakiin ay muhim tahay in la midoobo,waxaana uu Mudane Farmaajo kula dardaarmay Halyeeda Isboortiga uu la kulmay in aysan ka daalin u tilmaamidda jidka wanagsan dhalaanka soo koraayo isla markaana ay ku barbaariyaan aragtiyadda kala duwan ee Isboortiga,waxaana Mudane Farmaajo uu warbixin ka siiyey Xisbiga TAYO oo leh aragtiyadda Isboortiga oo kale,waxaan ka soo horjeednaa in Ummadda Soomaaliyeed qabiil loo kala qeybiyo,waxaan diiradda saarnay in Mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed ay iyada ka tashato iyo in la soo celiyo karaamadii iyo sharafkii uu lahaa Qaranka Soomaaliyeed,waxaa kaloo uu Mudane Farmaajo Bahda Isboortiga uga tacsiyadeyey Geeridii Naxdinta laheyd ee Ku timid Marxuum Aaden Xaaji Yabarow iyo Marxuum Saciid Mugaambe,isagoo Ilaah uga baryey in uu Janadiisii Fardawsa aheyd ka waraabsho,waxaana uu sheegay Mudane Farmaajo in Labadaasi Marxuum ay taarikh ku reebeen ka dib markii ay iigu yimideen Xafiiska markii aan ahay Wasiirka Koowaad,ka dib markii ay maqleen in aan ahaa garsoore Kubadda Cagta ah,waxayna halkaa igu gudoonsiiyeen Shahaado iyo Buuga FIFA ee garsoorinimadda,waxaana uu khudbadiisii ku soo gabagabeeyey isagoo ay ka muuqato qiiro Soomaalinimo,waxaana uu halkaa ku kasbaday sacab badan.
Waxaana haklkaa dadkii hadlay ka mid ahaa Dr. Cali Cusmaan Cali oo ka mid ah Halyeeyadda Isboorti oo Taarikhda dheer ku leh Isboortiga,waxaana uu u mahad celiyey Mudane Farmaajo sida Soomaalinimadda leh uu u geesinimo geliyey Bahweynta Isboortiga,taa oo u noqon doonta dhiri gelin u horseeda in ay ku fara adeegaan taaba gelinta iyo horumarinta Isboortiga qeybihiisa kala duwan,waxaana uu Dr. Cali Cusmaan Cali sheegay in Bahdaan Isboorti ee halkaan joogta ay ku midoobeen aragti ku saleysan mabaadiida guud ee Isboortiga oo ah in qof kastaba uu xaq uu leeyahay ka qeyb galka Isboortiga sida ay muujinayaan astaanta Olympigada,waxaa kaloo halkaa ka hadlay,Macalin Ibraahim Suudaani,Macalin Axmed carab,Macalin Maxamed Giftin,Aweys Fuundi.Cabdi Dheere,Macalin Shiika,Abdi warsame iyo akhyaar kale oo taarikh fog ku leh Isboortiga.waxaana ay dhamaantood u Mahadceliyeen Mudane farmaajo doorkii shaarifka ahaa uu ka soo qaatay dib u soo nooleynta karaamadii uu lahaa Qaranka Soomaaliyeed,waxaana uu shirkii ku soo dhamaaday guul.

W/D Dr Ali Osman




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line