• Itoobia oo Beeneysey In La Weerarey Baskii Xulka Nigeria.By Jaahuur

Asxaabtay qormadeena ciyaaraha waxaynu maanta ku eegeynaa Nigeria oo ku eedeysey in la soo weerey baskii ay la socdeen xulka Nigeria ciyaartoyna kaga dhaawacmeen iyo Ethiopia oo beenisey.

Xiriirka kubadda cagta ee Nigeria (NFF) ayaa ka dhawaajiyey in taageerayaash Itoobia soo weerareen Baskii xulku la socdeen kagana dhaawacmey ciyaaryahanka khadka dhexe ka qadhaabta Nosa Lgiebor.

Xiddigaha Super Eagles oo lugtii hore 2-1 uga badiyey Ehiopia ayaa dhacdadaas u gudbiyey Fifa.
Haddaba labadan xiriir oo hadalo kulul isku tuurtuuria ayaa Ethiopian (FA) ku andacootey in markii aanu baadhney aynan jirin wax cadeyn ah.

Madaxweynaha Ethiopain Football Federation (EFF) Juinedin Basha ayaa ku nuuxnuuxsadey in dadweynaha reer Ehoipia in ay ixtiraamaan qof kasta oo Afrikaan ah waana dhaqakayaga taariikhna waanu u leenahay Naygeeriyana waa walaalahayo.

Basha,runtii way jireen taageerayaal ka cadhoodey siidhiwalihii ciyaarta dhexdhexaadinayey oo rigoore (Penelty) dhamaadkii ciyaarta ugu yaboohay Nigeria.

Haddaba Akhyaartay lugta labaad oo ka dhici doonta caasimadda Nigeria aynu aragno wixii ka soo baxa,waxayna la xidhiidhtaa isreeb-reebka koobka kubadda cagta ee aduunka kana dhici doona d alka Brazil 2014-ka.

W/qorey Jaahuur

xiddigaha.ca

jjaahuur@Hotmail.com

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line