• FIBA AFRICA oo shir deg deg ku yeelanaya Masar iyo Bana Ali oo ka qeyb galaya

     

Maalinta Arbacada 21/11/12 waxaa Magaala Qahira ee dalka Masar ka furmaya shir deg deg ah, oo ay isugu imaanayaan Madaxda Xiriirka Kubadda Koleyga ee Qaarada Afrika (Fiba Africa) sida uu sheegay Xoghayaha Guud ee Xiriirka Kubada Koleyga Qaarada Afrika Dr. Bile Alphonse.
Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya dhamaan Xubnaha Guddiga Qaarada Afrika iyo 43-xiriir ee Kubada Koleyga Wadamada Africa, oo ay Soomaaliya ka midka tahay inkastoo aan la ogeyn sababaha rasmiga ah ee shirkaan Waqtigiisa 2014 loogu soo hor-mariyay.

Xoghayahii hore ee Xiriirka Kubadda Koleyga Soomaaliya Eng. Baana Cabdalla Cali oo ah Guddoomiyha Suqgeynta wadamada east Africa, ahna Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Qaarada Africa, oo shirkaan lagu casuumay kana qeyb galaya ayaa Radio Wehel u sheegay in qodobada ugu muhiimsan ay shirkaan loogu hadlayo ay ka mid tahay in wax laga bedelo qaabkii loo dooran lahaa Gudoomiyaha Xiriirka Qaarada Afrika Sanadka 2014.

Baana waxa uu sheegay in shirkaan lagu soo qaadi doono isbadalada la filayo in lagu sameeyo Xiriirka Qaarada Africa, isagoona rajeeyay in mustaqbalka la helo dadkale, oo aqoon leh daacadna u ah wax-qabad inay ku soo biiran xubnaha Africa isla markaana loo helo xubno fara badan oo ka mid noqon kara Xiriirka Africa, sida wadanka deriska nala ah Kenya oo ilaa iyo seddax qofood uga jira Xiriirka Caalamiga ee Africa.

Mas'uulkaan ka tirsan Guddiga Fulinta aaga 5aad (zone v), ayaa ka dhawaajiyay in ay muhiim tahey ka qeyb galka Shirarka nuucaan oo kale ah, isgoona xusay in ay tahay marka keliya ee aad fursad u leedahey in aad xaqaaga soo dhacsato, waxa uuna sheegey in ay saaran tahey masuuliyada 11-ka wadan ee ku jira zoonka 5aad taa oo ay ka mid tahay dalka Soomaaliya, waxa uuna carabka ku adkeeyay in uu ku dadaali doono sidii aan looga saarin jiritaanka magaca Soomaaliyeed xubnaha sare ee Qaarada Afrika.

"Qofka mas'uulka ah ama xilal nuucan oo kale hayo waxaa waajib ah in uu diyaar u noqdo wax waliba, waayo dad taageero ku siiya iyo dad ku mucaarada intaba waad yeelaneysa, laakiin waxaa mar waliba ka muhiimsan in aad xasuusato sabta aad howsha u sameyneyso iyo cida aad u sameyneyso ilaaheyna waa uu kula garab galaya" Ayuu yiri Baana Cali oo sheegay in ay ka go'an tahay hormarinta Isboortiga.

Xoghayihii hore ee Xiriirka Kubada Koleyga Soomaaliya oo xilligaan xilal kala gedisan ka hayo Xiriirada caalamiga ee Africa iyo jaamacada Carabta, ayaa la filayaa in ay shirkaan ku wehliyaan Xubno ka tirsan Xiriirka kubada Koleyga Soomaaliyeed.

Salah Hassan Omer




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line