• Horyaalkii EuroSom Oo Ka Hartay Afarta Semifaynalka Iyo Bristol Oo Gurigoodii Loo Diray

Kooxda W. Qaraabo ee dalka Denmark ayaa maanta wacdaro ka dhigtay garoonka Helsinki ee ay ka soconayaan ciyaaraha Eurosom oo sannadkiiba mar lagu qabto dal ka mid ah Qaarada Yurub iyadoo usoo baxday ciyaaraha Afarta koox ee Semi Finalka.

Kooxda W. Qaraabo Denmark oo soo bandhigtay ciyaaro aan hore looga baran ayaa ku barbaratay kooxda Sedexda jeer ee isku xiga ku guuleysatay koobka Eurosom ee Al - Hijra, iyadoo biloowgii ciyaarta uu gool kaga naxsaday ciyaaryahan Sakariye Xasan Dhimbil karoos uu ka helay saaxiibkii Nuuradiin Axmed oo lambarka 11 – aad u sitay kooxda W. Qaraabo.

Kooxda ay la ciyaarayeen ee Al- hijra ayaa iska qasaarisay laba fursadood oo gool la hubo ahaa balse kama aysan faa’ideeysan, waxaase ciyaarta kusoo idlaatay qeybtii hore 1 – 0.

Markii la isugu soo laabtay 10 – kii daqiiqo ee hore ayaa weeraro aan kala go’o lahayn lagu qaaday kooxda W. Qaraabo hase yeeshee difaacyadeeda birta ah ayaa diiday in laga gudbo darbi weyn oo ay dhigteen iyadoo midkii ka baxsadana uu ka badbaadinayey goolahooda qatarta ah.

Ciyaaryahan Nuuradiin Axmed ayaa kubad uu soo farsameeyey lana soo dhaafay ilaa sedex ciyaaryahan ayuu shabaqa bartanka u dhigay natiijadiina noqotay 2 – 0 ay Qaraabo heleen.

Waxaase kasii xumaa markii Kooxda Al-hijra ay quusatay markii ciyaaryahan Sakariye Xasan Dhimbil uu meel goolka u jirta ilaa 40 Mitir uu darbad qurux badan ka tuuray taasoo shabaqa ku hubiyey ciyaartana isu badashay mid iska qaboow ah maadaama aysan Al-hijra keensan karin goolal intaa ka badan.

Nuuradiin Axmed ayaa markale yiri saaxiibkeey Sakariye haduu laba gool dhashaday anna waa inaan laba dhaliyaa ka dib markuu dhaliyey goolkii afraad.

Ciyaaryahan Nuuradiin Axmed ayaa ahaa ciyaaryahankii ugu fiicnaa ciyaarta maanta ee W. Qaraabo iyo Al-hijra isagoo dhaliyey 2 – Gool isla markaana mid ka mid ah labada gool ee kale ku caawiyey saaxiibkiis Sakariye.

Ciyaartii kale ayaa waxaa fooda is daray kooxaha Bristol iyo Sekao Norway waxana qeybtii hore ee ciyaarta ay kusoo idlaatay 0 – 0.

Kooxda Bristol rajada ay ka qabtay inaay usoo baxdo Semi Finalka ayaa ahayd mid iska liidatay maadama ay 1 dhibic oo qura wadatay iyadoo 6 – goolna garka loosoo galiyey.

Qeybtii danbe ee ciyaarta ayaa ciyaaryahan Abdiwahaab Cabdulqaadir oo lambarka 20 – aad u sitay kooxda Sekao Norway u saxiixay gool ku filnaysiiyey inaay ugudbaan Semi Finalka iyadoo kusoo idlaatay 1 – 0 ay guushu ku raacday Sekao Norway isla markaana noqotay kooxda hogaanka u qabatay garuubkeeda.

Kanava Finland iyo Walaalaha Qaraabo Denmark ayaa isu balansan ciyaarta Semi Finalka halka kooxaha Sekao Norway iyo Gothernburg Sweden ay isku dhagan yihiin Semi Finalka koobka Eurosom.
Waxaa la ciyaari doonaa maalinta beri xigta ee bishu ku beegan tahay 29 – ka iyadoo taageerayaasha kooxda Kanava lasugayo in ay soo buux dhaafin doonaan garoonkooda Helsinki ee Finland.

W/DAbdiaziz Godah

Helsinki-Finland

 

 


 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line