• Guddiga Fulinta ee GOS oo shir balaaran ku yeeshan xaruntooda Muqdisho

Guddiga Olombikada qaranka ee Soomaaliya GOS ayaa shir balaaran ku yeeshan xarunta Cusub ee gudigaasi uu ku leeyahay Muqdisho,iyadoo laga hadlay arimo dhowra oo ku saabsan howsha guddiga ee horumarinta sportida.


Shirka Guddiga Fulinta ayaa waxaa shir gudoominayey gudoomiyaha GOS C/laahi Axmed Tarabi,waxaana ugu horeyntii warbixin looga dhegeystey xoghayaha GOS Duraan Axmed faarax oo ka hadlay howlaha sadexdii bilood ee sanadka 2014 u qabsoomay iyo waxa horyaala bilaha soo socda,iyadoo sidoo kale lasoo bandhigey xarunta Cusub ee ay GOS yeelatey markii ugu horeeysay taariikhda.


Gudoomiyaha GOS C/laahi Tarabi ayaa sheegay in loo diyaargaroobaya howl o culus oo horyaala Guddiga oo ay kujiraan ka qeybgalka tartamada (African Youth Games) oo ka dhacaya Gaborone,(Youth Olympic Games) oo ka dhici doona Nanjing iyo tartanka (2016 Rio Olmypic Games) oo ka dhici doona Brasil.


Sidoo kale shirka Guddiga Fulinta ayaa waxaa looga doodey oo lagu ansixiyey Wakiilada arimaha Xiriirada,wakiilka arimaha Gobolada (Zonal affairs representative) iyo arimo kale oo muhiim u ah horumarinta Sportiga dalka oo ay GOS ku howlan tahay.
Shirka golaha fulinta ee GOS ayaa waxaa uu kusoo dhamaaday jawi degan iyadoo xubnaha iyo madaxda GOS ay ku balameen in la dar dar geliyo howlaha horumarineed ee Sportiga dalka.
Waaxda Warfaafinta ee GOS


 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line