• Hilac Champions

Koobkii maalinlaha ahaa (One Day Tournament) ayaa waxaa ku guuleysatay kooxda Hilac.

Tartankan oo sannadkiiba mar la qabto, ayaa waxaa soo qaban qaabiyay uruka la yiraahdo Guidance Of Canadian Somali Youth Organization.

Kooxihii ka soo qeybgalay tartankan ayaa waxaa loo qeybiyay 3 kooxood oo ka koobnaa ciyaartooy ay da'dooda ka hooseyso 17(Under 17) iyo 6 koox oo iyaguna da'dooda ay ka yarayeen 14 jir (Under 14).

Kooxihii Under 17 waxaa ciyaarta kamadambeynta (final) isugu soo haray kooxda Hilac iyo kooxda Ottaw. Hilac ayaa 8-2 ugu awood sheegatay Ottawa sidaana ku qaadatay koobkii.

Sidoo kale kooxihii Under 14 ciyaarta finalka waxaa wada ciyaaray Hilac iyo Ottawa. Kooxda Hilac ayaa 3-1 ku guuleysatay sidaana koobkii labaad la hooyatay.

Kooxaha reer Ottawa waxaa hogaaminayay Yusuf Ahmed Mohamed " Youth Program Co-ordinator" iyo Abukar Shiino oo ahaa xiddigii hore ee kooxda kubadda koleyga Muqdisho iyo xulka Qaranka.

Dhanka reer Toronto kooxda SEMCAY waxaa horkacayey Anwar. Kooxda Hilacna Guddomiye Omar Warsame iyo tababareyaasha kala ah: Marshaale, Dahir Boodaye iyo Saadiq.

Marti sharaftii tartankan ka soo qeybashay ayaa waxaa ka mid ahaa: Laura Albanese MPP. oo iyadu abaal marrin guddoonsiiyay Omar Warsame oo ah Guddoomiyaha Guidance Of Canadian Somali Youth Organization.

Laura ayaa si weyn ugu hambalyeeysay sida quruxda badan oo ay u soo qaban qaabiyeen tartankan, waxayna kula dar daarantay iney da'daalkoodi halkiisa ka sii wadaan.

Koobabkii loogu talo galay kooxahan ayaa waxaa bixiyay Garoore Mohame Farah "Debdamis". Mukhtar Cuti iyo Abukar Shiino.

Tababaraha kooxda Hilac ahna tababare ku xigeenka xulka qaranka Soomaaliyeed Dahir Boodaye oo ka hadlayay marti sharaftii ka soo qeygbashay tarankan ayaa si weyn ugu mahadceliyay Garsoosre Mohamed Farah "Debdamsi".

Tababare Boodaye ayaa sheegay in Mahamed Farah uu yahay shaqsi ku dayasho iyo amaan mudan isagoo had iyo jeer ku da'daala sidii loo horumarin lahaa sportiga.

Boodaye ayaa sheegay in dhamaan dadka magac ku leh sportiga ay iyaguna sidaasi oo kale ay waajib ku tahay iney garab istagaan dhiirina geliyaan ciyaartooyda soo koreysa.

W/D Mohamed Busuri
Mbusuri@xiddigaha.ca




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line