|
Ramadan Cup TODAY 2010. Kooxda Dixon FC ayaa 5-1 ku kala dirtay kooxda Hamilton. Hamilton oo hore guul darro kala kullantay ciyaarteedi kowaad ayaa haddana markii labaad la hooytay guul darro. Ciyaartooyda Hamilton intoodi badan farsamadoodi waa heer sare, balse waxaa ka maqan oo ay aad ugu dhiiltaan iney si wada jir u ciyaraan. Ciyaartan ayaa markii ay socotay 5 daqiiqo oo keliya kooxda Dixon ay ku hogaamineysay 2-0. Intaa wixii ka dambeeyayna ciyaartu waxayba noqotay in hal dhinac un kubadda loo wado oo ah dhanka goolka Hamilton.
Kooxda Dixon oo arkay iney aad ugu awood sareyaan Hamilton ayaa waxay garoonka soo geliyeen ciyaartooy aad u da' yar oo qaarkoodi ayba ahayeen kuwo ay da'dooda ka hooseyso 14 (Under 14). Ciyaartooydii da'da yaraa oo ay Dixon la soo shirtagtay ayaa waxaa ka mid ahaa Abukar Mohemed Ahmed, oo ah wiilka Mukhtar cuti xiddigii kooxda Batoolka iyo xulka qaranka. Gabagabadii ciyaartan waxaa 5-1 ay guusha ku raacday Dixon FC. Ramadan Cup TODAY 2010. Waxaa ciyaarta Semi-finlka wada ciyaari doonaa kooxda Dixon FC oo la kulmi doonta Hilac FC. Ciyaartan ayaa la filayaa iney noqon doonto mid aad u xiiso badan waayo labadan kooxoodba waxay ka kooban yihiin ciyaartooy da' yar aadna u farsamo fiican. Ciyaarta labaad ee Semi-finalka waxaa wada yeelan doonaa Torono Stars iyo All Stars. Kabtanka kooxda All Stars Sheekh Baliiley oo ciyaarihii hore dhaawac kaga maqnaa kooxdiisa ayaa la filayaa inuu soo safan doono. Ciyaarta Semi-finalka waxa la ciyaari doonaa insha allah maalinta jimcaha oo ay bishu tahay September 3, 2010. W/D Mohamed Busuri
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|