• Guulaha Ciyaaryahanka Soomaaliyeed ee Islam Feruz Iyo Godobta Warbaahinta Somaalida

Ottawa-Sep-22-2011-xiddigaha.com-Saaxiibayaal qormadeena ciyaaraha waxaynu caawa ku soo qadaneynaa sababta ay warbaahintu uga faaloonweydey haddii ay noqoto BBC-da,VOA-da,wariyayaasha,idaacadayaash Soomaalida iyo bahweynta ciyaaraha jecel xiddigga da’dayar ee  Soomaaliyeed (Islam Feruz).

Akhyaartaay haddii aynu jaleecho xiddigihii waaweynaa ee kubadda cagta ee aduunka PELE,MARADONA,ZICO iyo qaar kale oo farabadan waxay ku soo koreen balashlayaal,darbijeef iyo iskorisnimo akhirkiina waxay ku caana maaleen lugahooda dahabka ah maantana aduunka meel aan laga ixtiraameyn majirto.

Laakiin maxay ku dhacdey xiddigan Soomaaliyeed ee mudaba u ciyaarayey naadiga weyn ee (CELTIC) maantana la soo wareegtey (CHELSEA)hungurina ka soo galey naadiyada waaweyn sida Man united,Man City,Chelsea,iyo Real Madrid in la xaqiro inta lagu meereysanayo Minasota,Toronto,London iyo meela kale oo farabadan.

Taariikhdu habeen ma aha ee waa sida dayaxa oo kale Isboortigana qabiil ma galo 4.5-kuna shuqul kuma leh siyaasadna haba sheegin.nacaybku iyo xaasinimaduna Soomaaliya ayaa ku burburtey ee yan loo soo qaloocinin xagga isboortiga hana iska daayeen shakhsiyaadka danahooda gaarka ah ku fushanaya.

Islam Feruz waa laacib Soomaaliyeed taariikhdiisana waxaan kaga soo sheekeeyey Somali Diaspora News ama qurbejoog.com haddii aan idinyar xusuusiiyo wuxuu ku dhashey Soomaaliyaa 1995 -6-jirkiisii ayey u hayaameen waddanka Scotland isaga iyo faamilkiisa qaxootinmo maantana cagahiisa dahabka ah waxay u soo saareen inuu ka mid noqdo ciyaaryahanada lacgta leh ee aduunka sida aan horeyba u soo sheegey.

Waxaan ka codsanlahaa xiriir ku sheegyada meelahaa kala dadsan noockastaba ha ahaadeene ha u kuur galeen ciyaartooda Soomaaliya ku dhalatey inteyna jinsiyed kale qaadan si ay wadankooda magac ugu soo hooyaan,miyeena ka xishooneynin marka ay maqlaan MO-FARAH-Somali Born iyo Islam Feruz.
W/D-Jaahuur

xiddigaha.com-Ottawa

gahuur@hotmail.com


 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line