• Cayaarta Finalka Koobka General Daa’uud oo dhici doonta Khamiista iyo cayaaryahano la ganaaxay

Qoraal kasoo baxay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta ayaa lagu sheegaya in cayaarta kama dambeysta ah ee Koobka General Daa’uud ay dhici doonto maalinta khamiista ah ee inasoo aadan bisha Decemberna tahaya 17.



Sidaasi waxa lagu go’aamiyaya shir ay shalaya isugu yimaadeen xubnaha guddiga fulinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

Shirka ayaa sidoo kale loogana hadlayay rabshado ka dhacay cayaartii Semi-finalka koobka Gen.Daa'uud ee ka dhacday garoonka Banadir Stadium isla markaasna dhex martay naadiyada Kubadda Cagta ee Heegan FC iyo Jeenyo United Maalinimadii Jimcada oo taariikhduna ahayd 11/12/2015.

Hadaba, Guddiga Fulintu waxa uu tixraacay dhacdadii foosha xumayd ee ka dhacday garoonka kadib dhamaadka cayaarta taasoo cayaartoy ka mid ah labada kooxood ay gacanta isula tageen ayadoo falkaasi ku billowday si lama filaan ah. Hadaba, warbixinno laga dhegeystay masuuliyiintii xiriirka ee goobjoogga ahaa iyo baaritaan dheer oo la sameeyay kadib ayaa laga soo saaray go'aamada soo socdo:

1. Cayaaryahanada kala ah:
· Jibriil Xasan Fariid (No 10) kooxda Heegan iyo
· Maxamed Xaashi Siyaad (No 18) Kooxda Jeenyo Fc
Waxa la ganaaxay min laba cayaarood oo ay kooxahoda ka maqnaanayaan cayaaraha ugu horreeya. Ganaaxyadii kale ee ay qabeen labadan cayaartoy (haddey jireen) waa sidoodii.



2. Cayaaryahanada kala ah:
· C/ziiz Max,ed Catoosh (no 10) Kooxda Jeenyo FC
· Maxamed Axmed Maxamud (no 11) Kooxda Heegan
· Ridwaan Cabdullahi Nur (No 9) Kooxda Heegan
· Yaxye C/rashiid Muuse (No 4) Kooxda Jeenyo United
Waxa la siiyey digniin adag oo kama danbays ah kadib markii baaritaankii la sameeyay lagu ogaaday inay qeyb ka ahaayeen kicinta iyo abaabulka rabshaddii dhacday.



3. Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Cagtu isagoo ka xun dhacdaadaasi waxa uu amaan u jeedinayaa masuuliyiinta, macallimiinta iyo kabtannada labada kooxood oo muujiyay masuuliyad iyo is-xilqaan iyagoo ka hortagay in rabshaddu sii faafto.

Ugu danbeyntii Xiriirku waxa uu kula dardaarmayaa dhamaan kooxaha in la dhowro nidaamka iyo habsami u socodka cayaaraha kubada cagta.

Qoraalkan kasoo baxay xiriirka Soomalaiyeed ee kubada cagta ayaa waxaa ku saxiixnaa ku-simaha xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cali Axmed Maxamed ( Cali Saciid )

Somali Football Federation Media Department

Email: omar.ibrahim@somsoccer.com

Omar Ibrahim Abdisalam
Somali Football Federation Media Department



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line