| Waxaa magaalada Kuwait caasimada dalkaas ee Kuwait ayaa waxaa soo gaarey kooxda Somaliweek Diaspora iyo marti sharafkii la socde, iyadoo garoonka caalamiga ah waxaa kaga hor tagey Qunsulka dalka Soomaaliya mudane Abiiib iyo xubno kale oo ka socdey jaaliyada iyo safaarada Soomaaliya, kadibna waxaa loo kaxeeyay halkii loogu talagley ciyaartooyda iyo marti sharafka kale ee ka mid ahaa oo aan ka xusi karo fanaaniinkii weynaa Qaranka Axmed Naaji Sacad iyo Laacibkii Qaranka kubadda cagta dalka Soomaaliya mudane Maxamed Ismaaciil, Fanaanka Caanka ah Cabdoow Caramram, odey isboorti Mudane Cabdulqaadir isoomaareey iyo bahda saxaafada. Hotelka Swiss -bel hotel plaza ayaa waxaa la dajiyay marti sharafta iyo ciyaartooyda oo ka kooban 31 qof waxaana ku soo dhaweeyay safiirka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Amiin Sheikh iyo Mudane Maxamoud xaaji maxamed " Gudoomiyaha jaaliyada soomaaliyeed ee Kuwait " Mudane Eng. Cabdirashiid maxamed ayanle" Gudoomiyaha ururka ardayda soomaaliyeed ee Kuwait",Mudane Cabdilaahi cawad "deekow" " Gudoomiyaha waaxda barashada iyo dhalinyarada ee jaaliyada Kuwait" iyo Axmad Kadibna waxaa hadal kooban ka jeediyay danjire Cabdulqaadir Amiin oo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay ku marti qaadaan dalkaan Kuwait Somaliweek Diaspora iyo marti sharafka culus ee la socda ee ka yimid dalka Ingiriiska, waxay noo tahay sharaf in dhalinyaro aad u yar yar oo Soomaali ah oo ka yimid Ingiriiska ay yimadaan ayna bartaan jaaliyada Soomaaliyeed ee degan dalkaan oo lagu qiyaaso inay ku dhaw yihiin 3000 qof, kadibna waxaa halkaasi ka hadley madaxa wafdiga ahna gudoomiyaha SomaliweekDiaspora mudane Xuseen Aden ''Deeq'' farxad weyn bay noo tahey inaan Kuwait soo gaarno dhamaanteen islamarkaana jaaliyada Soomaaliya Soomaaliyeed iyo madaxdii safaarada Soomaaliya aan la kulano oo mudo 5 cisho ah la sameyn doono barnaamijyo dhaxal gal ah, waan idin kaga mahadcelinaynaa soo dhaweynta iyo walaalnimada aan la koobi karin ee aan idinka aragney, safarkaan iyo safaro kale oo dhexmari doono labada jaaliyadood ayaa la filayaa inay dhacaan mustaqbalka, ugu dambeyntii waxaa halkaasi ka hadley Qunsulka Soomaaliya u fadhiya dalkaan Abiib oo halkaasi ka sheegay sida weyn ula dhacsan yahey barnaamijka labada jaaliyadood ee Soomaaliyeed Kuwait iyo UK, inta aad joogtaan safaarada Soomaaliya uu horkacaayo safiirka meel kasto aad tagtaan iyo wax walbo u baahataan diyaar ayay idin tahey ayuu hadalkiisa ku soo dhameeyay soo dhawaada ayaan idin leeyahahay sida uu hore idinkugu sheegay safiirka. Wafdiga waxaa kale ka mid ah ciyaarahanadii Soomaaliya sida Xuseen Abati , Mudane Nuunoow, mudane Cabdulaahi Yusuf, mudane Maxamed Baasawyne ,mudane Cabdulqaadir, dhanka Somaliweek waxaa socda ku xigeenka gudoomiyaha Mudane Maxamed Buuwe, mudane Cabdisalaam Mumin xisaabiyaha iyo maamulka guud, dhanka saxaafada waxaa socda Yusuf Maxamed Cabdi iyo Shirwac Guuleed. Caawa waxaa lagu qaban doonaa ciyaartii ugu horeysay Kuwait ee safarka Somaliweek Diaspora waxayna dhaxmari doontaa kooxaha Somaliweek Vs Sahil Football Club, waxayna ka dhici doontaa gaaroonka Xaafada Saahil oo waxyar u jirta caasimada dalka Kuwait . W/D:Yusuf Yusuf SSPAMEDIA Kuwait CitySiyaad
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|