• Al-Sahil Oo Cashar La Siiyay

Ciyaar aad loola dhacey ayaa ku dhaxmartey kooxaha Somaliweek Diaspora iyo Naadi Al-Sahil garoonka weyn ee kooxda Sahil oo ku yaal duleedka caasimada dalka Kuwait gaar ahaan xaafada Axmadi.

Ciyaarta waxaa ka soo qayb galey Jaaliyada Soomaaliyeed ee degan dalkaan Kuwait uuna hogaaminayay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kuwait Danjire Cabdulqaadir Amiir Sheikh una wehliyay Qunsulka Soomaaliya mudane Abiib, madaxda Jaaliyada Soomaaliya ee Kuwait mudane Gudoomiye Maxamud Xaaji ‘’Qumeyni, Gudoomiyaha Ardeyda Soomaaliyeed ee Kuwait mudane Cabdirashiid iyo marti sharaf kale oo fara badan oo ka kale yimid dalka Kuwait si ay u taageeraan dhalinyarada Soomaaliyeed iyo maamulka Somaliweek ee booqashada saaxiibtinimo ku jooga dalkaan Kuwait.

Waxaa kale ka soo qayb galey madaxda naadiga Al-Sahil iyo Duqa xaafada lagu qabanaayay iyo taageerayaal badan oo taageera u ahaa kooxda Al-Sahil.

Garoonka oo aad u camirnaa ayaa waxaa si weyn uga muuqanayay calanka dalka Soomaaliya iyo calamada dalka Kuwait darbiyada, taasoo muujinaysa sida weyn ee loo xiseeynayay ciyaartaan.

Kooxda Somaliweek Diaspora oo ay macalimiintoodu kale yihiin Macalin Dahir Cusmaan ‘’Dahir Gacamey’’ iyo Macalin Maxamed Brasab ‘’Bob’’ ayaa si wanaagsan ciyaartooyda kooxda Somaliweek ugu soo diyaariyay magaalada London labadii bilood ee la soo dhaafey, taasoo wajiyadooda ay ka muuqatey kalsooni weyn ay ku qabaan ciyaartooyda ay garoonka keeneen iyo natiijada laga filan kareyba.

Ciyaartii ayaa ku bilaabatey weeraro calculus oo lagu qaadey goalka kooxda Somaliweek 10 daqiiqo ugu horeysay, taasoo dad badan oo Soomaali ah oo garoonka u soo daawasho tagey ayaa welwel badan ka qabey natiijada kooxdatan ay ka keeni karto ciyaarta, balse waxyar kadib macalimiinta kooxda ayaa badal ku sameeyay daafaca kooxdooda oo aad moodey inuu halkaasi ahaa halka laga soo weerarayay, markaas iyo wixii ka dambeyay waxay noqotey in kubadda lagu dheelo dhanka iyo kooxda Al-Sahil, taasoo dad badani oo tribune saarnaa ay neefta ka soo fuqdey.

Dhanka kooxda Al-Sahil ayaa taageerayaashooda badan ee meesha yimid ay ku noqotey waxay la fajacaan in weerarkooda qaarkood la igu sheegay inay ka dheelaan kooxaha waaweyn ee dalkaan Kuwait ay dhaafi waayeen daafaca kooxda Somaliweek, run ahaantii ciyaaryahanka lambarka 5aad Haadi ayaan oran karaa ninkii ugu wanaagsanaa dhanka Somaliweek kasoo weeraro badan ay soo qaadeen kooxda marti loo ahaa ka dhigey mid noqdo qasaaro.

Waxyar markii ay soo dhawaatey qaybtii koowaad ayaa weerar si wanaagsan jaanta ay iskula heleen kooxda Somaliweek ayaa si farsameysan laad hoose kuna socda xawaare dheer lagu dabamariyay goalka kooxda Al-Sahil goalhayahood ayaa ay ku noqotey mid uu la yaabo meesha laadka kaga yimid iyo meesha uu islahaa waa uu ka imanayaa, wiilka goalka dhaliyayna ciyaaryahan Isaaq Ismaaciil Cali Abuubakar, garoonkii wuxuu isku badaley inaan joogno garoonkii weynaa ee Staduim Muqdisho sawaxan iyo calamada ay ruxayeen taageerayaasha Soomaaliyeed ee degan dalka Kuwait iyo marti sharafkii kale ee ka yimid London.

Qaybtii labaad waxay noqotey inay kooxda Al-Sahil isku dayeen inay barbaro ka dhigaan ciyaarta laakinse kooxda Somaliweek ayaa u diidey inay soo dhaafaan qadka dhaxe , halka weerarka Somaliweek ay heleen fursado ay goalhayaha ula tageen goalka laakinse dhamaan waxay noqdeen kuwa ay dhumiyeen, gaarahaan ciyaaryahanka u sitey lambarka 9aad ahna kabtanka kooxda Somaliweek ciyaaryahan Ibrahim Amoore ayaa ku quubeystey fursado badan oo goal ahaa.

Ciyaartii markii la gaarey daqiiqadii ugu dambeysay ayaa ka fakadeen kooxda Somaliweek goal si quruxbadan uu u farsameeyay ciyaaryahanka number 9aad u watey kooxda Al-Sahil kaasoo birta ku dhuftey balse waxaa oran karaa gaolhayaha kooxda Somaliweek ciyaaryahan Calvin ayaan oran karaa ciyaaryahankii noqdey the man of the match ama ugu fiicnaa ciyaarta.

Macalin Dahir iyo Macalin Bob oo aan kula kulmey garoonka ayaa isheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay ka badiyaan kooxda Al-Sahil, halka macalinka kooxda Al-Sahil uu isheegay inay caawa cashar ka qaateen garoonka islamarkaana ay u tahey isaga iyo kooxdiisa waxbarasho waayo waxaan ka baraney team spirit kooxda Somaliweek ee walaalaheen ah ee caawa martida nooga ah garoonka ayuu hadalkiisa kus oo gabagabeeyay.

Waxaa xusid mudan inuu garoonka yimid macalinka kooxda dhalinyarada dalka Kuwait, kasoo halkaasi kula kulmey Somaliweek iyo Safaarada islamarkaana noo sheegay in uu xusuusto Maxamed Ismaaciil markii dalkaan ay imanayeen xulka Soomaaliya, aniga waxaan ka tirsanaa kooxda Kuwait qarankooda laakinse dhaawac ayaan ahaa, marka waxaan rabaa inaan idin hambalyeeyo guusha galabta, halna waa codsi waxaan rabaa inaan koox kale ee ka dhisan magaalada caasimada Kuwait in ciyaar saxiibtinimo, taasoo lagu wado in habeenimada Axadda ay dheelaan kooxda Somaliweek iyo kooxda Kuwait.

Ciyaaryahankii qaranka iyo kooxda Horseed Maxamed Ismaaciil ayaa halkaasi ka hadley una sheegay inuu aad ugu faraxsan yahey guusha kooxda Somaliweek iyo kooxda Al-Sahil una sheegay inay badinta ay uga muhiimsan tahey kulanka iyo walaalnimada isbarashada labada shacab Kuwait iyo Soomaaliya, kadibna waxaad halkaasi ka hadley fanaaninkii Qaranka Ustaad Axmed Naaji iyo Odeygii isboortiga mudane Cabdulqaadir Xuseen Bootan ‘’Isoomareey’’, kuwaasoo ka sheegay sida ay ugu faraxsan yihiin guusha iyo ciyaar wanaaga kooxda

Safiirka Soomaaliya iyo Qunsulka iyo maamulka Jaaliyada ayaa aad looga dareemay inay aad ugu faraxan yihiin guusha kooxda waxay noo sheegen inay la dhacsan yihiin, islamarkaana maqsuud ku yihiin in kooxdeena badino.

Jaaliyada Soomaaliya ee degan Kuwait ayaa hambalyo iyo farxad noogu yimid hotelka kooxda Somaliweek degan tahay waxay noo sheegen inay la dhacsan yihiin walaalayaal magaceenii ayaa kor u qaadeen calankeeni ayaa keentey garoomada dalkaan, markii hore waxaan islaheyn ma badin doonaan laakinse hada waxaan nahay maqsuud, dowlada Kuwait iyo maamulada shaqada ku leh soo dhaweynta waxay aad ula dhacsan yihiin nidaamka iyo isku xirnaanta Soomaalinimada leh.

Waxaan kale kulaney Kuwait iyo Jaaliyada Soomaaliyeed halkaan kuma soo koobi karo waxa kaliya ee noola soo dhaweyay waxay tahey waa Soomaalinimo, safarkaana wax badan ayuu ka badali doonaa is dhexgalka Soomaalida dalkaan degan iyo xiriirka Qurbajoogta.

Kooxda Al-SAHIL ayaa ka codsatey kooxda Somaliweek inay sanadka dambe u yimadaan


W/D:Yusuf Yusuf

SSPAMEDIA

Kuwait CitySiyaad

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line