|
Wasiiru dawlaha wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee dawladda Federaalka ku meel gaarka Mudane Mohamed Ahmed Kaynan ayaa la shiray qaar ka tirsanaa odayaasha bahda isboortiga ee gobolka Minnesota, iyada oo halkaasi lagu jeexjeexay sida ugu wanaagsan ee la isaga kaashan karo bahida loo qabo in qurbajoogta Soomaaliyeed ay kaalin mug leh ka qaataan dardargalinta hawlaha dhallinyarada lagu wacyigalinayo, gaar ahaan Isboortiga oo udub dhexaad u noqon kara isu keenidda dhallaanka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka iyo kuwa ku kala firirsan dacallada dunida.
Wasiiru dawlaha oo isagu horay uga mid ahaa qurbajoogta ku nool gobolka Minnesota, booqashana ku joogay gobolka ayaa qado sharaf lagu soo dhaweynayay waxaa lagu qabtay Marine Grill, waxaana ka soo qayb galay Guddoomiyaha Isboortiga ee gobolka Minnesota Cabdi Cali Macallin, Macallinkii qaranka Soomaaliyeed ee kubadda cagta iyo Kooxdii Horseed macallin Ibraahim Suudaani , Guddoomiyihii hore ee naadigii Horseed Yuusuf Muuse iyo xaaskiisa Saynab, Macallin /Garsoore Caalami Fifa Maxamed Xasan Qolof, Macallin Qariindi oo ka mid ahaa macallimiintii ugu wanaagsanayd ee soo mara dalka Soomaaliya isaga oo tababare u soo ahaa xilliyo kala duwan kooxdii caanka ahayd ee Kismaayo ,Cabdi Yuusuf oo ka mid ahaa guddoomiyayaashii isboortiga ee soo maray gobolka Banaadir xilligii dagaalada sokeeye, Cabdulqaadir ”Shiikha” iyo Cabdulqaadir “Madaxey” oo ka mid ahaa ciyaaryahannadii qaranka Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga , iyo Burhaan oo ka mid ahaa tababarayaashii kubadda koleyga ee gobolka Minnesota. Waxaa halkaasi ka hadlay dhammaanba odayaasha isboortiga oo iyagu u gudbiyay wasiiru dawlaha Fikrado lagu horumarinayo dhallaanka Soomaaliyeed, loogana samotobixinayo dhibaatooyinka ay dagaalada sokeeye horseedeen, sidoo kalena waxaa halkaasi loogu gudbiyay dhambaalo loo dirayo wasaaradda isboortiga DFKM. Soo dhawoow sacaadatul wasiir, waxaa loo baahan yahay in laga faa’idaysto marka laga hadlayo isboorti khabiirada halkan fadhiya oo aan oran karo waa halgamayaashii Isboortiga Soomaaliyeed dhinac kasta ha noqoto aqoon macallinimo, iyo waayo aragnimo intaba sidaasi waxaa yiri Yuusuf Muuse oo ka mid ahaa Guddoomiyayaashii isboortiga naadiga Hoseed xilligii barisamaadka. Macallin Ibraahim suudaani,Macallin Qariindi,Cabdi Yuusuf ayaa iyaguna waxaa ay aragti midaysan ka dhiibteen sida loo dayacay jaaliyadda isboortiga ee gobolka Minnesota oo aanan waxba laga soo qaadin,ayna ashtako ka yihiin arrintaasi, ha noqoto dhanka tababarada iyo aqoon isweydaarsiyada ay qayb ahaanta u helaan meelaha kale ee ka baxasan USA, gaar ahaana kubadda cagta,waana ayaan darro in xataa aanan nala wargalin, wax tashi ahna aan nalaga samayn hawlaha isboortiga oo aan hubno inaan kaalintayada buuxin lahayn , hase yeeshee ay noqotay in nala xaqiro annaga oo nool.
C/qaadir”shiikha” iyo C/qaadir “Madaxey” ayaa iyagu uga mahadceliyay Wasiiru dawlaha kaalintii wanaagsanayd ee uu ka gaystay horumarinta iyo taakulaynta dhallinyarada isboortiga ee gobolka Minnesota intii uusan u dallacin darajada uu haatan ku fadhiyo. Mudane Kaynaan ayaa waxaa uu ka mid ahaa dadkii sida aadka ah u taageeri jiray dhaqdhaqaaqyadii isboortiga ee gobolka Minnesota. Guddoomiyaha isboortiga ee gobolka Minnesota Cabdi Cali Macallin oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa wasiiru dawlaha halkaasi ku soo dhaweeyay gobolka, waxaana uu ka warbixiyay dhaqdhaqaaqyada isboortiga ee ka socda gobolka Minnesota...Sidoo kale waxaa uu carrabka ku dhuftay cabashooyinka jira ee reer Minnesota isboortigooda ay qabaan iyo sida loogu baahan yahay in Wasiiru dawlaha uu wax uga qabto. Odayaashii halkaasi ka hadlay waxaa ay giddigoodba ka codsadeen in farriimahooda uu u gudbiyo wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo Isboortiga DFKM, haatan iyo wixii ka dambeeyana uu wakiil uga yahay gobolka Minnesota arrimaha isboortiga DFKM. Ugu dambayntii wasiiru dawlaha Mudane Mohamed Ahmed Kaynan ayaa ka mahadceliyay soo dhaweyntaasi loo sameeyay, waxaana uu ka warbixiyay DFKM sida ay u shaqayso iyo baahida loo qabo in dhallinyarada loo jeediyo dhanka isboortiga, lagana shaqeeyo sidii loo abuuri lahaa jawi ay dhallinyaradu ku kulmaan, isu dhex maraan taasoo noqon karta isboortiga oo ah waddada ugu wanaagsan ee xataa lagu soo celin karo dalka nabad buuxda. Waxaa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay aqoonta dadka isboortiga ehelka u ah ee ku nool qurbaha oo uu ku dhiirrigaliyay inay dalka ku soo noqdaan, kana qaybqaataan hawlaha baaxadda leh ee lagu horumarinayo isboortiga Soomaaliyeed iyo guud ahaanba arrimaha ijtimaaciga ah. Wasiiru dawlaha ayaa waxaa uu sheegay in farriimaha ay u dhiibeen qurbajoogta isboortiga ee gobolka Minnesota uu si toos ah ugu gudbin doono wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga , haatan iyo wixii ka dambeeyana uu noqon doono wakiil iyaga masila, iskuna xira hawlaha isboortiga ee lagu horumarinayo dalka Soomaaliya iyo qurba joogta gaar ahaan reer Minnesota oo iyagu ah jaaliyadda ugu ballaaran ee qurbajoogta. Diyaariye:Shiikha
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|