• Messi & Neymar oo sheegay in liiska ciyaartooyda u sharaxan Ballon d’Or uu Suarez kaga xaq lahaa Ronaldo

 Xiriirka K/Cagta Aduunka ee Fifa ayaa waxa ay soo saareen liiska 3 ciyaaryahan ee u sharaxan in bisha January ay ku guuleystaan abaalmarinta Ballon d’Or.

Seddaxdani ciyaartooy ayaa waxay kala yihiin Messi, Neymar (Barcellona) iyo C. Ronaldo (Real Madrid).

Messi iyo Neymar ayaa sheegay iyagu ay la tahay in uu Suarez u qalmay in lagu daro liiskani, iyagoo weliba intaa raaciyay in waqtigan xaaderka ah uu Suarez kaga mudan yahay C. Ronald.

Messi, Suarez iyo Neymar oo loogu yeero MSN ayaa iyagu sannankani 2015 dhaliyay 125 Gool. Halka ciyaartooyda kooxda Beyern Munich oo dhan ay dhaliyeen in intaa la eg. PSG ayaa kooxda oo dhan dhalisay 124. Kooxda Real Madrid ayaa iyaduna 2015 dhalisay 112.

Tani waxay ku tuseysaa in Seddaxdani ciyaartooy MSN ay u dhigmaan koox oo dhan welibana ay ka gool dhalin badan yihiin.




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line