| 
Shabakadda xiddigaha.ca ayaa waxaa u suurtagashay inay wereysi la yeelato maamulaha kooxda Somali United Mohamed A/raxmaan X. Nur "Mohamed Yare".
Wareysigan oo dhinacyo badan taabanaya ayaa waxaan u soo koobnay sida tan:
Xiddigaha: Marka hore maxaa lagugu bixiyay Maxamed Yare, yaase ku bixiyay?
Maxamed: Magacan Maxamed Yare waxaa leeygu bixiyay magaalada Toronto waayo waxaan la ciyaari jiray ciyaartooy iga da' weyn sidaa ayayna iigu bixiyeen magacaasi.
Xiddigaha: Si kooban ma inooga sheegi kartaa kooxda Somali United waqtiga la aas-aasay iyo weliba dadkii gacanta ka geestay?
Maxamed: Somali United waxaa la ass-aasay sannadkii 1999kii. Aas-aasida kooxdan reerkeeyga ka sakow waxaa gacan iga siiyay Cabdalla Salah "Faris", oo noqday kabtankii ugu horeeyay ee kooxda. Kooxdani qalabkii ay u baahnayeen oo dhan waxaa u iibiyey Horn of Africa Banquet Hall, oo hooyadeeyda Nuura Ceydiid ay Manager ka aheyd. Isla Sannadkaasi 1999 kooxdani waxey soo gaartay Finalka.
Xiddigaha: Tartankii Somali week ee sannadihii 2006,2007,2008 iyo 2009 marnaba kooxdaada loogama badin daqiiqadii ciyaaraha loogu talo galay, balse waxaa intaba looga badiyay rigooreyaal "Penalty" marka taasi sow marnaba kuguma dhalin niyad jab iyo inaad maamulka kooxdan isaga tagto?
Maxamed: Maya marnaba kama niyad jabin kooxdan waayo sidaad sheegtay ciyaar naloogama badin affartii sanno ee ugu dambeeysay, oo rigooreyaal ayaa markasta nalagaga badin jiray, waxaana u malaynayaa inuu yahay record cusub 5 sano marka lagu daro sanadkan 2010, Koox aan intaas oo Sano laga badin Somali Week . Rigooreyaalna waa nasiib.
Xiddigaha: Wax ma inooga sheegi kartaa guul darradii ugu weyneyd ee kooxdaadi ay la kulantay?
Maxamed: Haa guuldarradii igu xanuunka badnayd waxay ahay middii 2009 ciyaarta quatter finalka ay kooxda Wembley nooga badisay rigooreyaal, waayo sannadkaasi marka loo eego ciyaartooyda ay kooxdeena ka koobnayd waxaan filayey inaan ugu yaraan soo gaari doonno final.
Xiddigaha: Koobka Somali Week adiga Maxamed ahaan waxaad ku guuleysatay sannadkii 1996 adigoo ka tirsanaa ciyaartooyda kooxda Northren Stars. Hadda 2010 adigoo maamule u ah kooxda Somali United. Haddaba labadan guul middee kugu farxad badnayd?
Maxamed: Si aan shaki ku jirin waxaa iigu farxad badnay middan aan maamulaha ahaa. Waayo marka hore N.Stars waxaan ka ahaa ciyaartooy oo masuuliyad badan ima saarnayn. Midda kale Somali United waa koox aan aniga abuuray marka inaan dhadhamiyo miraheeda waa farxad aan qiyaasi karin.
Xiddigaha: Waxaa leesku raacay inaad tahay qof aad ugu fiican dhanka maamulka. Taasi ma hibo eebe ku siiyaybaa misse waa dhaxal?
Maxamed: Runtii maamul wanaagga waxaan filayaa inaan ka dhaxlay Aabo waayo isagaa muddo 40 sanno xagga maamulka ku jiray, isagoo in badan ahaa Agaasimaha Xannaadda Xoolaha.
Xiddigaha: Haddii aad dhanka maamulka kaga deysatay Aabo. Dhanka ciyaarhane yaad kaga deysan jirtay.
Maxamed: Dhanka Sportiga waxaan kaga deysan jiray adeerkeeyga Axmed Xaaji Nuur oo ka mid ahaa ciyaartooyda kooxa kubadda kooleyga ee Jeenyo oo ku caan baxday "shanta Jeenyo "
Xiddigaha: Qarashka badan ee ku baxa kooxdan ayaa gacan ka siiyo?
Maxamed: Inta badan reerkeeyga ayaa bixyo inta kalena qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida.
Xiddigaha: Inta badan ciyaartoodaadi waxay ka yimadiin Yurub iyo Mareykanka. Marka adigoo halkan jooga sidey suurgal kugu noqotaa inaad ogaato ciyaartooyga wanaagsan?
Maxamed: Xulashada ciyaartooyda ka yimaad London inta badan waxaa gacan iga siiya tababare ku xigeenka kooxda Ducaale oo isaga degan halkaasi. Sidoo kale kabtanka kooxda Gulled iyo Munye ayaa iyaguan gacan weyn ka geesta xulidda ciyaartooyda.
Xiddigaha: Ugu dambeyntii yaad u mahadcelineysaa?
Maxamed: Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa hooyaday iyo dhamaan reerkeeyga yar iyo weyn oo markasta ila garab taagan hiil iyo hoo intaba. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa dhamaan taageereyaasha, ciyaartooydii sanadkan iyo kuwii hore, dadkii kooxda aad noogala shaqeeyay sida Saaxiibkay Qaasimow oo isagu mar walba na garab taagnaa, yusuf Jihad iyo dhamaan dadkii gacan nagu siiyay kooxdan maamulkeeda, iyo dadka naga taageera dhanka dhaqaalaha. Anigoo ka faa'iidesanayo fursadan waxaan amaan iyo mahadcelin gaar ah u soo jeedinayaa ciyaartooyda kala ah Cabdirisaaq, Axmed Ducaale iyo Cabdirahman oo iyagu sannadkan tusaale fiican u noqday ciyaartooydii cusbeyd iyagoo kooxda u muujiyay in haddii ay ciyaarayaan iyo haddii kalaba ay markasta garab taagan yihiin kooxda iyagoo aan marnaba laga maqleyn aniga aan ciyaaro. Sidoo kale Munye iyo Gulled oo sannadkan naga maqnaa laakin gacan weyn ka geestay xulidda ciyaartooyda, Xakiinkey iyo Ducaale oo la’ aan tood ilaahay ka sokow aanay guushani suurto gasheen iyo ugu dambeyntii saaxiibkey k’naan oo isna kooxda garab taagnaa intii ay jirtey.
W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca
|


Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|
|