• Istar Oo Xaflad U Sameysay Madaxweyne Xassan Sh. Maxamud

 

 Waxaa magaalada Toronto lagu qabtay xaflad lagu taagerayey Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamud.

Xafladan aadka u quruxda badan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Istar Cali Ganey, oo ah milkiilaha Istar Restaurant.

Xafladan ayaa la qabtay saacado un ka dib markii u dhamaaday doorashadii madaxweynaha, taasi oo ka dhigeysa xafladii ugu horeysay ee Madaxweyne Xassan lagu taageero.

Istar ayaa Jaaliyadda Soomaalida ee Toronto todobaad ka hor wargelisay iney xaflad u qaban doono Madaxweynka kasta ee la doorto.

Soomaalida Toronto ayaa runtii aad ugu hambalyeeyay wadaninimada Istar ka muuqato, iyadoo muujisay u siman yihiin 25kii Mudane ee u tartamayey xilka Madaxweynenimada.

Xalfada ayaa waxaa ka soo qeybgalay dadweyne aad u tiro badan oo ka kooban dhamaan bulshada noocayooda kala duwan.

Bahweynta Sportiga ee Toronto ayaa Istar Cali Ganey ugu yeera Maama Istar, iyadoo markasta gacan ka siiyay dhanka dhaqaalaha

Xaflada oo maqal iyo muuqaal ah ka daawo xagga sare.

More Pics Coming Soon

W/D Mohamed Busuri

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line