Waxaa si rasmi ah uga furmey garoonka weyn ee New river oo ku yaal duleedka White hart lane ee xaafada Totenham koobka Somaliweek oo ay sanadkaan ku baratamayaan 16 kooxood oo xul ah, kuwaasoo ka kale iman doono gudaha England iyo dalalka Yurubta.


Ugu horeyntii waxaa halkaasi lagu soo bandhigey bandhig farshaxan loogu talagaley caruurta Soomaaliyeed ee degan magaalada London, kuwasoo wajiyadooda ka muuqatey farxad iyo reyn reyn, islamarkaana waxay daadihinayeen calanka Soomaaliya iyo iyagoo wajiyadooda ka muuqatey astaanta sawirka calanka dalka Soomaaliya, kadibna waxaa si rasmi ah loo guda galey furitaankii qudbadaha loogu talagaley furitaanka Somaliweek , iyadoo ay halkaasi ay ka hadleen qaar ka tirsan maamulka Somaliweek sida Buwe,Mohamed Ali,Abdi Ahmed iyo Gudoomiyahooda Xuseen Deeq,




waxaa kale halkaasi ka Hadley mudane Ahmed Shell iyo gabar ka socotey Council-ka xaafada lana yiraahdo Bernice, kuwasoo hadalo taageero u badan ka jeediyay meesha, waxaa iyana halkaasi goob joog ka ahaa fanaaniinta Soomaaliyeed ee degan magaalada London qaarkood oo si gaar ah loogu casumey barnaamijka Somaliweek, Fanaanada Maryan Cali Muudey oo ay wehliyaan fanaanka Sayid Khaliif iyo fanaaniinta kooxda Qeylodhaan Xuseen Shire iyo Cabdi Shire ayaa goobta ka qaadey heeso si weyn dadkii garoonka buuxiyay ay aad ula dhaceen.




Mudane Ahmed Abdi Dahir ayaa micrafoonka ka sheegay inuu si rasmi ah u furey koobka kubadda cagta Somaliweek 2010.
Koobkan waxaa ka soo qayb galey odayaasha isboortiga magaalada London sida Danjire Caalim, Isoomareey, Qareen Xuseen Diriye , Laas, Adame, Cunaaye iyo ciyaartooydii hore ee dalka Soomaaliya kuwooda kubadda cagta iyo kubadda koleyga sida Xaawo Taako, Bakiin, Osman Shiis, Baana Ali, Faarah Odey (Jeenyo), Macalin John, Biyooley,Hassan shiino,Ali mire, Dahir gacamey, Xuseen Abati Abanur, Muftin,Hassan Dhuudhi,007,Abdiqani Jeenyo,Hassan Hussein, marti sharaf kale ah, Xildhibaan C/qaadir Shido, Osman Cargo, Yasin Bulsho, Masuul Sare, iyo agaasimaha ururka Hirda Holland Fadumo Farah iyo dhamaan dhalinyarada North London oo u hogaaminayay mudane Dhumaaye



Kooxaha Manchester Vs Harrow
Ciyaartii ugu horeysay waxay dhaxmartey kooxaha kale ah Manchester iyo Harrow oo run ahaantii dadka dhami ay wada sugayeen ciyaarta ku dhaxmareysay furitaanka Somaliweek 2010.
Dadwayne aad u farabadan ayaa ka soo qeyb galay daawashada cayaarahaan oo kale taageerayay labada kooxood, kuwaasoo sacab iyo qeylo la daba taagnaa dhalinyarada.
Kooxda Manchester ayaa ku bilaawdey dardar iyo firfircooni dheeri ah halka kooxda Harrow aad moodo inaysan ku soo talagalin awooda kooxda gobalka ka timid .
4 Goal iyo 1 Goal ayay ku soo dhawaatey ciyaarta , guushiina waxay ku raacdey kooxda Manchester, goolashana waxaa 3 goal u dhaliyay kooxda Man City ciyaaryahanka Ibrahim Mohamed iyo halka goalna Omaar Messi, halka kooxda Harrow-na u dhaliyay goalka ciyaaryahanka Yasiin.
Koobka Somaliweek ayaa la filayaa inuu socda ilaa 7 July 2010 , hadii Allah idmo barnaamijyada cayaaraha wixii ka soo kordha waa idinla soo socodsiin doonaa.