• Perez Oo Sheegay Inuu Ku Soo Laaban Doono Real

Guddoomiyihii hore ee kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa sheegay inuu isu soo sharxi doono xilka guddoomiyenimada ee kooxdan.

Mr.Perez wuxuu ku dhashay magaalada Madrid ee dalka Spain Bishii March 8,1947. Florentino wuxuu markiisa hore ahaa ganacsade. Intaa kadib wuxuu ku biiray siyaasadda isagoo 1979kii ka mid noqday xisbigii Democratic Center Union.

Sannadkii 1985tii ayuu markii ugu horeysay isu soo sharxay inuu noqdo Guddoomiyaha kooxda Real Madrid, hase yeshee Ramón Mendoza ayaa 700 cod kaga guleystay.

Mr. Perez ayaa haddana mar labaad isu soo taagay inuu qabto xilka sannadkii 2000, isagoo ballan qaaday inuu kooxda Barcelona kala soo wareegi doono Luis Figo. Ballantan uu qaaday ayaa aad u caawisay doorashada tasoo keentay in si weyn uu ugu guuleysto. Perez markii la doortay wuu oofiyay ballantii uu qaaday isagoo Figo keenay Real Madrid. Weliba intaa kuma aanu hakan ee wuxuu iska daba keenay ciyaartooyada kala ah Ronaldo 2002 iyo David Beckham 2003. Sanadkii 2004 ayaa haddana mar labaad loo doortay xilka Guddoomiyaha kooxda isagoo helay codad dhan 94.2%. Intaa kadiba haddana Mr. Perez wuxuu heshiis la galay kooxda Michael Owen 2004 iyo Robinho 2005 isagoo kooxda Real Madrid ka dhigay koox aan loo gali karin oo ay isgu yimadeen xiddigaha kubadda cagta.

Florentino Perez ayaa intii uu gacanta ku haayey kooxdan wuxuu gaarsiiya heer aad u sareysa iyagoo ku guuleystay labo jeer horyaalka Spain "La Liga" iyo weliba sagaal jeer European Cup taasi oo ah record aan weli la dhaafin.

Bishii February sannadkii 2006kii ayuu Mr. Perez iskiisa isaga tagay xilkan. Seddaxdii sanno ee ugu dambeysay ee uu ka maqnaa kooxdan ayaa waxaa soo foodsaartay guul darro aan loog baran intuu isaga joogay.

Haddaba Mr. Perez ayaa sheegay inaanu u adkeeysan karin in kooxda Barcelona ay wada aruursato koobabka oo dhan halka Real Madrid ay ka noqotay daawadayaasha qiimaha leh.

Florentino Perez wuxuu go'aansaday inuu isu soo taago doorashada xilka Guddoomiyeninada ee la qaban doono bisha June horaanteeda isagoo weliba ballan qaaday in haddii uu ku guuleysto xilkan uu kooxda Real Madrid soo celin doono magacii ay ku lahayd Spain iyo adduunka oo dhan isagoo weliba ka bilaabi doono heshiis uu la gali doono Cristiano Ronaldo, Kakà, iyo Ribery

 

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca



 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line