|
Waxaa magaalada Toronto lagu soo qaba gabeeyay tartankii Ramadan Cup 2011. Ciyaartii finalka ayaa waxaa wada ciyaaray kooxda Somali Stars iyo SEMCAY .
Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa waxaa daawashadeeydi ka soo qeybgalay dad aad u tiro badan.
Markii ay ciyaartu socotay 2 daqiiqo oo keliya ayaa kooxda Somali Stars ay dhalisay goolkeedi kowaad. Goolkaasi ayaa waxaa shabaqa ku hubsaday Deeq, kadib markii Cabdixakiim Ottawa uu baas aad u qurxoon siiyay.
Haddana wax xogaa ciyaarta markii ay socotay ayaa Sharmarka uu goolkii labaad u saxiixay Somali Stars.
Runtii labadan kooxood ma ahayn kuwo isku awood ah, oo waxaad arkeysay in inta badan goolka Semcay la weeraraayey. Dhamaadkii ciyaarta ayaa waxaa 3-1 ay guusha ku raacday kooxda Somali Stars halkaana ay ku qaadatay koobkii Ramadan Cup Toronto 2011.
W/D Mohamed Busuri Sawir Qaade Oba
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|