• SCAWR Indoor Soccer Tournament 2015

Waxaa magaalada kitchener ee dalka Canada lagu soo gaba gabeeyay tartankii kubadda cagta ee la magac baxay SCAWR Indoor Soccer Tournament.

Tartankani oo aad ugu xiiso badnaa sannadihii hore ayaa waxaa ka soo qeybgalay 8 kooxood.

8dan kooxood ayaa waxaa loo qeybiyay lab qeybood (Grooup A & B).

Ciyaartii semi-finalka waxaa isaga hor yimid kooxda Hilac fc oo kaalinta labaad kagas oo baxday qeybta B (Group B) iyo Xiddigaha oo Group A kaga soo gudbay kaalinta 1aad.

Ciyaartani oo aad u xiiso badnayad ayaa waxaa 7-2 ay guusha ku racday Xiddigaha oo sidaasi ugu soo gudbay ciyaartii finalka.

Semi-finakii labaad waxaa wada ciyaaray Ranegates oo Group B ka soo gashay kaalinta 1aad iyo KW United oo Group A kaga soo gudbtay kaalinta labaad.

Ciyaartani oo ahayd mid aad u adag ayaa waxaa 2-1 ay guusha ku raacday Ranegates.

Ciyaartii kama dambeynta "Final" ayaa waxaa wada ciyaaray kooxda Ranegates iyo Xiddigaha.

Labadani kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar aad u xiiso badan oo dadkii usoo daawashada tagay ay aad ugu riyaqeen. Ugu dambeyntii 4-2 ayaa waxay guusha ku raacday kooxda Ranegate oo sidaadi ku qaatay koobkii. Ranegate Champions.

MVP Waxaa ku guuleystay Mohamed Abdulkadir o qadka dhexe ugu ciyaara Xiddigaha.

Tartanka dhaliyeyaash "Top Scorer" waxaa ku guuleystay Douglass oo weerarka ugu ciyaara kooxda Xiddigaha.

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line