• WAAYO WAAYO: MAALMUHU ISDABA JOOG MAXAY NOO MARAAYAAN…!

     

 

Akhristow amaseba dhageystoow, bal xasuuso horudhaca sheekadda ma garoonkii Waamaa, Baydhabaa, Konis mise Mogadishu Stadium baa, waa kuma ciyaartooyda laga hadlayo horeyse wareysi muuqaalka ahdhaayahaaga iyo dhegahaaga ma uga bogatay. Waah waah!


Waxaa casho sharaf heer sare ah oo ay soo qabanqaabiyeen bahda reer Kismayu loogu sameeyey  magaaladda Toronto ciyaartooygii dahabiga ahaa ee ku soo barbaaray magaaladda Kismayu cadeey naadiga Badda Kismayu (mid 1970s), una soo saftay gobolka Jubadda Hoose sannadihii 1978 dii iyo 1979 kii, dabadeedna ku biiray naadiga Badda ee Xamar ilaa uu ka gaaray heer Qaran.

Waa Khaliif Shire (Riike) oo hadda ku nool carigaasi Mareykanka magaaladda Virgina.
Khaliif Riike wuxuu dalbaday saaxiibkiisa uu aadka u jecelyahay inuu ku weheliyo cashadaas waa ciyaartooygii caanka ahaa ee Batroolka Xamar iyo Qaranba, Mukhtaar Mohamed Ahmed –M. Cuti oo Bariga Africa looga yaaqaanay “ Mukhtar Khatari Zana” balse caruurta uu Toronto ku tababaro ee Dixon FC ay u yaqaanaan “ Messi”.

Bahda reer Kismayu waxay Mukhtaar Cuti siiyeen warqadda Deganaashadda  ee reer Waamo.
Waxaa cashadaas ka soo qeyb galay ciyaartooy badan oo ku soo barbaaray magaaladda Kismayu oo ay ka midka ahaayeen Mursal Daada (late 1960s iyo early 1970s) una ciyaari jiray Naadigii Studente Kismayo, Abdi Alore (mid 1970s) Naadigii Munishibiyo Kismayo, Abbas Yare (mid 1980s) Naadigii Badda Kismayu iyo gobolka J/Hoose, Abdi Ismail (late 1970s iyo 1980s) Naadigii Warshadda Hilibka, Gobolka J/Hoose iyo Naadigii Badda Xamar, iyo Eng. Abdisamed Sheik-Qasim (late 1970s iyo 1980s) Naadigii Munishiibiyo Kismayu, Gobolka J/Hoose iyo waliba Naadigii D/Hoose Muqdishu iyo Juniorka Qaranka;

waxaa kaloo xusid mudan mudanayaashii  iyo hablihii reer  Kismayu iyo Jamaame ee casha sharafta soo qabanqaabiyey oo ay hormuud u ahaayeen Abdi Muse “Apollo”, Ali Cadow, Sakina Karani, iyo akhyaar badan oo aan halkan ku soo koobi Karin balse aad muuqaalkooda arki doontaan.

Casho sharaftan kadib ayaa waxaa wareysi dhinacyo badan taabanaya shabakada xiddigaha siiyay Khaliif Riiko iyo Mukhar Cuti.

Wareysigan ayaa waxaa labadan ciyaartooy la yeeshay Eng, Abdisamed Sh. Qasim




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line