|
Naadiga horumarinta dhallinyarada Soomaalida/Maraykanka, Somali/American Youth Enrichment Club oo ka mid ah ururada ku midoobay ururka horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota (SYDOM), ayaa bilaabay tababar Kubadda cagta ah oo ay u qabanayaan dhallinyarada da’dooda u dhaxeyso 6 jir ilaa 18 jir, taasoo ay iska kaashanayaan ciyaartooydii hore ee K/cagta iyo khubaro ku takhasusay K/cagta.
Barnaamijkaasi loogu talo galay caruurta Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ayaa waxaa dhismahiisa waqti badan u huray tababarayaasha kala ah: C/rizaaq Said Marshaale, C/raxmaan Guuleed “Aamaan”,C/qaadir Nuune,Cabdullahi Moorgan iyo Maxamuud Ciise oo dhammantoodba ka wada tirsanaa ciyaaryahannadii qaranka K/cagta /Koleyga iyo naadiyadii herka 1aad ee dalkeena,Sidoo kalena Abaadir Jama oo ku magac dheer “Urufey” iyo Saalim oo qabiiro ku ah k/cagta ayaa tababarka wax ka bixinaya..Waxaa iyaguna tababarka wax ka bixin doona tababarayaal ajnabi ah oo kala ah: JB lettel iyo Niel.
Mar aan booqday halka uu tababarku ka socday ,caruurtuna ay tababarka ku samaynayeen ayaan kula kulmay qaar ka tirsanaa tababarayaasha sida C/rizak Marshaale oo ii sheegay baahida keentay in la abuuro naadigan SYAEC oo isagu qaabka uu u shaqayn doono ay ka duwanaan doonto kuwii hore. C/rizak waxaa uu ii sheegay in diiwaan galintan ay sii socon doonto lana ururin doono cayaartooy badan oo yaryar kuwaasi oo aanu doonayno inaan u gudbino aqoonta iyo tabaha casriga ah ee Kubadda cagta.
Haddaba haddii aad doonayso ama xiisaynayso in wiilkaagu uu ka qayb-galo barnaamijkaasi oo xag caafimaad aad ugu wanaagsan la soo xiriir dadka magacyadoodu ay hoos ku xusan yihiin si laguu siiyo macluumaad intaasi dhaafsiisan.
1)C/rizaak Said “Marshaale” 612/366-8997 2)C/rahman Guled Awale “Aamaan” 651/301-2827 3)C/qaadir Warsame(Nuune) 952/393-9201 W/D Shiikha
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|