• Xoghayaha XSKK Said Ducaale Oo Ka Qeybgalay Shirkii Zone V

 

Xoghayha guud ee xirrirka Soomaaliyeed ee kubadda koleyga Mudane Saciid Ducaale ayaa tagay dalka Ugandha magaalo madaxdeed Kampala si uu uga qayb galo shirka Zone V ee bisha August 24-25, 2012

Shirkaas oo looga hadali doona sida loo huramarin lahaa ciyaarta kubada koleyga ee zonka.

Sidoo kale waxaa ka socda ciyaarahii kubada koleyga ee horyaalka naadiyada zonka.

Xirrirka Soomlaiyeed ee kubada koleyga koox ma keenin tartankan , sabatoo oo ah waxa uu door biday in marka hore aay is faham iyo wada shaqeeyn hufan laga helo zone v, taaso xoghayaha u yimid halkaan si loo helo wada shaqeeyn buuxda. taaso lagu soo qaadan doona shirka zonka.


Mudane Saciid Ducaale ayaa u riyaaqay sida weyn oo lagu soo dhaweeyay magaalda Kampla waxaan mahad weyn u celinaya Mr Mohamed Geedi Santuur oo ka mid ahaa ciyaaryahanadii barisamaadkii kubadda koleyga ee naadiga Jeenyo, iyo bahda sportiga ee reer Kampala.


Sidoo kale waxaa uu riyaaqay soo dhaweeynta uu ka la kulmay madaxda zone v iyo xirrirka kubada koleyga ee Ugandha.




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line