
Waxaa magaalada Nairobi dalka Kenya lagu qabtey shir aad u weyn iyo seminaar looga hadlayay sidii loo hormarin karo sportiga East Africa, gaar ahaan dhalinta Soomaaliyeed ee soo koreysa.

Shirkan oo ay si wadajir ah u soo abaabuleen ururka Saleban Sports Foudation (SSF)iyo Kooxda Whitworth Park Sports Club iyo jaaliyada Soomaalida degan dalka Kenya

Seminarka horumarinta sportiga ayaa waxaa bixinayey khabiir Sport, Garsoore FIFA mudane Cabdulqaadir Ibrahim Caddaay. mudada Seminaarka uu socday oo ahayd todobaad ayaa waxaa la soo gabagabeeyey hall ku yaal xaafada Soomaalida ka degto magaalada Nairobi ee Islii.
Gabagabada shirka waxaa ka soo qayb galay bahda sportiga oo ay isugu jiraan ciyaartoydii hore ee Qaran, kuwii dhexe, kuwii dambe, iyo odayaal rug caddaa sport ah. Waxaa kale oo xusid mudan odayaashii ka yimid gobolada Shabelaha hoose iyo Shabeelaha dhexe oo ka soo qayb galay xiritaanka shirkan.
Furitaanka shirka ayaa waxaa aayado qur'aan ah ka furay Shiikh Muudey Buke. Ka dib waxaa lagu soo dhaweeyey Khabiirka sportiga, Garsoore FIFA Abdulkadir Ibrahim Caddaay oo ka sheekeeyey sida ugu fudud ee lagu hormarin karo sportiga Soomaaliyeed ay tahay waddadii uu inoo xaaray wasiirkii dhintay Alle ha u naxriistee Saleeban Colaad Rooble.
Halkaasina uu ka sheegay in uu u sameeyey Saleban Sports Foundation, SSF-na uu ka shaqayn doono horumarinta sportiga East Africa gaar ahan Soomaaliya. Garsoore Caddaay wuxuu kaloo halkaasi ka dhawaajiyey in hadda gacanta lagu hayo mashruuc ah sida ciyaartoyda kubadda cagta lagu gaarsiin lahaa heer profissional ah. islamarkaana wuxuu halkaasi ka sheegay in dhawaan Saleban Sports Foundation uu qaadi doono labo Ciyaartoy oo kala ah ciyaaryahan u ciyaara kooxda Gormahiya iyo Qaranka kenya, kuwasoo kale ah ciyaaryahanada . Abdimalik Mohamed iyo Saaddaq labadan wiil waxay ka mid yihiin Jaalliyadda Soomaalida dalka Kenya.
Labadaan dhalinyaro waxay nasiib u yeesheen in loo qaado dalka Ecuador oo ku taal ee latin Amerika,wuxuu kaloo halkaasi khabiir Caddaay ka sheegay in Saleeban Sports Foundation ugu deeqay qalab sport Jaalliyadda sportiga ee dalka Kenya. qalabkaasi waxaa la gaddoonsiiyey guddoomiyaha jaalliyadda sportiga dalka Kenya mudane Khalif Bajiyo.
Laacibkii Qaranka iyo kooxda Waxool Muxyadin Cambar Qamiis ayaa hadalo kooban ka jeediyay xaflada lagu soo bandhigayay SSF iyo qaabka wax loogu qabanaayo dhalinyarada Soomaaliyeed, isagoo halkaasi ka sheegay inuu aad u taageersan yahay lana shaqayn doono
Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha jaalliyadda Mr. Khaliif Bajiyo oo ka dhawaajiyey in ay dhalinyarada ka faa'idaystaan fursaddan khaaliga ah ee uu u keenay walaalkeena Abdulkadir Caddaay. Wuxuu kaloo ka dhawaajiyey in uu har iyo habeen diyaar u yahay horumarka sportiga jaalliyadda.
Mudane Garsoore Caddaay ayaa safar shaqo ku maraya magaalooyinka Nairobi iyo Hargeysa islamarkaana doonaya inuu bulshada isboortiga meel kasto ay joogaan soo firiyo xaaladooda isboorti,waxaa xusid mudan inaan idin sheego in Saleban Sports Foundation xafiis ka furatey magaalada Nairobi gudoomiyena loogu magacaabay mudane Mohamed Cabdulqaadir, Foundationkaan waxaa figrada in la sameeyo soo jeediyay ciyaaryahanka kooxda Manchester City Ciyaaryahan Cabdisalaan Ibraahim Caddaay islamarkaana xaga dhaqaalaha ka caawin doono mashruucyada lagu fulinaayo, kuwaasoo loogu dan leeyahay in dhalinyarada Soomaaliyeed ee Soomaaliya joogta iyo dalalka Bariga Afrika wax loogu qaban lahaa.
Saleban Sports Foundation waxaa loo sameeyay in lagu xusuusto wasiirkii hore Isboortiga iyo dhalinyarada dalka Soomaaliya ee ka mid ahaa dadkii lagu xasuuqay qaraxii Hotel Shamow, madaama uu ahaa nin wanaagsan oo doonayay in isboortiga dalka Soomaaliya isbadal iyo horumarin lagu sameeyo, islamarkaana Foundation-ku waxa uu doonayaa inuu wadadii Wasiirka allaha u raxmadee qaadsiiyo isboortiga dalka Soomaaliya.
W/D; Yusuf Yusuf |