|
Cayaartoday xulka Qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka yartahay 20-ka sano ayaa galabta cayaar aad u adag la yeeshay xulka dhigooda ah ee sudan waxaana cayaartaas oo ka dhacday garoonka Asmara Stadium ay labada xul isla dhaafi waayeen bar bar dhac 0-0 ah. Cayaarta oo ahayd mid aad u adag ayaa labada kooxood waxaa 90-kii daqiiqo ee loogu talagalay ay isla dhaafi wayeen 0-0 iyadoo kadibna lagu daray 4 daqiiqadood laakin wax is badal ah aanu dhicin mudadii lagu daray oo sidaana ya ku dhamaatay cayaartu.
Garoonka ayaa xulka Soomaaliya ay ku lahaayeen taageerayaal aad u fara badan, oo ka koobnaa Soomaali aan badneyn iyo shacabka Reer Eritrea oo markii xulka Soomaaliya uu soo galay wada istaagay kuna dhawaqayay Soomaaliya ha noolaato, Soomaaliya ha is raacdo iyo erayo kale oo ay Soomaaliya ku taageerayeen. Waxa daafaha garoonka lagu arkayay boqoaal\Eritrean ah oo si fiican u yaqaana luqad aSooamaliga kuwas oo uu ka mid ahaa oday lagu magacaabo Burhaan oo sheegay in uu ku dhashay magaalada Muqdisho.. Arrinta aad loola yaabay ee daawadayaasha dalalka kala duwan ka yimid ay is weydiinayeen ayaa waxaa ay tahay markii la arkay shacab aad u farabadan oo Eritrean ah oo wata Calanka Soomaaliya qaarkoodna ay ku hadlayeen luqada Soomaaliga. Koobka hadii aanu anagu qadi weyno waxaan la dooneynaa walaaleheena Soomaaliya†Sidaasi waxaa tiri gabar lagu magacaabo Frakalsi oo Eritrean ah kuna labisneyd shaati laga sameeyay calanka Soomaaliya. Gool hayaha xulka Soomaaliya Khaalid ayaa waxaa uu maanta muujiyay dadaal weyn waxaana uu bad baadiyay dhowr gool oo laga dhalin lahaa xulka Soomaaliya iyadoo difaac ahaana ay adkaayeen laakin weerar aad u kulul lagusoo qaadayay daqiiqadba daqiiqada ka dambeysa. Xulka Soomaaliya cayaarta xigta waxaa ay talaadada la yeelanayaan Tanzania halka khamiistana ay wada cayaari doonaan xulka Kenya iyadoo 21-ka bishana ay cayaarta ugu damebeysa la yeelan doonana xulka Eitrea oo shacabkoodu uu aad u taageero xulka Soomaaliya. W/D Shafi'i Mohyaddin Abokar
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|