• XIDDIGAHA OO DHULKA KU JIIDAY UBK SENIORS

Waxaa magaalada Toronto si rasmi ah uga furmay Summer Cup 2013.

Ciyaartii furitaanka ee tartankan ayaa waxaa isaga hor yimid kooxda UBK Seniors iyo Xiddigaha.

Labadan kooxood ayaa garoonka la soo galay ciyaar aad u xiiso badan oo dadweynihii usoo daawashada tagay ay aad ula dhaceen.

Wax xogaa markii ay ciyaarta socotay ayaa Cabdalley uu goolkii kowaad uu kooxdiisa xiddigaha u saxiixay.

Daqiiqadii 30aad ayaa haddan Cabdalley uu goolkii labaad shabaqa ku hubsaday.

Kooxda UBK oo hurdada kasoo toostay ayaa iyaduna gool halkaasi ka dhalisay.

Ciyaartooyda UBK ayaa isku dayay iney goolka bar bardhaca halkaasi ka dhaliyaan, hase yeshee Cabdi Aadan (Ex Waxool) ayaa goolkii seddaxaad kooxda Xiddigaha u saxiixay, sidaana UBK ay ku quusatay.

Ciyaartani ayaa waxay kusoo gabagabowday 3-1 oo ay xiddigaha dhulka ku dhigtay UBK.

Kooxihii kale ayaa markii ay arkeen awoodda xiddigaha ay bilabeen iney wadanaha gacanta ku qabtaan.

Ciyaartii labaad ayaa waxaa isaga hor yimid kooxaha Al Aruba iyo Hall of Fame. Inkastoo ay labadan kooxood si weyn isu weerareen haddana 1-1 ayay isla dhaafi wayeen.

Kullanka soo socda ayaa waxaa wada ciyaari doonaa Hall of Fame iyo UBK.

Xiddigaha iyo Al-Aruba ayaa iyaguna fooda is dari doonaa

Kala horeynta kooxaha

TEAM MP W D L GF GA PTS
XIDDIGAHA 1 1 0 0 3 1 3
HALL OF FAME 1 0 1 0 1 1 1
AL ARUBA 1 0 1 0 1 1 1
UBK SENIORS 1 0 0 1 1 3 0

Isku aadka kooxaha

Date Time Match
JUNE 23,2013 9:00 pm Xiddigaha 3-1 UBK Seniors
  10:00 pm Al Aruba 1-1 Hall of Fame
     
Date Time Match
July 01,2013 7:00 pm Al Aruba V Xiddigaha
  9:00 pm Hall of Fame V UBK Seniors
     


 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line