• Somali United Iyo Tigers Mn Oo Isugu Soo Haray Final

Somali Week Toronto 2010, Ciyaartii kowaad ee semi-finalka waxaa isaga horyimid kooxaha Tigers iyo TSS oo labaduba ka socday gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Labadan kooxood ayaa daqiiqadihii loogu talo galay ciyaarta isla dhaafi waayey 1-1.

Intaa kadib waxaa loo dhigay rigooreyaal(Penalty). Rigooreyaashan ayaa waxaa 4-2 ku badisay kooxda Tigers MN.

Ciyaartii labaad ee lawada sugayey waxaa foodda is daray kooxda Banadir oo iyadu heysata koobkan loo tartamayo iyo Somali United.

Ciyaartan ayaa waxaa aad ugu gacan sareeyay kooxda Somali United oo 3-0 dhulka ku dhigtay Banadir, sidaana ugu soo gudubtay ciyaarta Finalka oo ay la yeelan doonto kooxda Tigers Mn.

Maqaalkan oo faah-faahsan iyo sawiradii la soco goor dhow

W/D Mohamed Busuri

 

 

 

 

 

 



 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line