|
Kooxda Somali United iyo kooxda dhallinta yar ee Dixon FC ayaa isaga horyimid ciyaarta ka tirsan wareegga labaad ee tartanka todobaadka Soomaalida ee Toronto. United oo iyada ka mid ah kooxaha ugu magaca dheer magaalada Toronto, ayaa la filayey iney si fudud uga badin doonto Dixon FC oo iyadu ka kooban ciyaatooy aad u da' yar. Bilowgii ciyaarta waxaa gool ku hormartay kooxda Somali United. Qeybtii horana waxaa lagu kala nastay 1-0. Qeybtii labaad ayaa haddana ay United goolkeedi labaad dhalisay. Ciyaartooyda Dixon FC ayaa intaa kadib hurdada ka soo toosay iyagoo halkaasi gool qurxoon ka dhaliyay. Haddana gabagabadii ciyaarta markii ay ka harsaneyd 3 daqiiqo oo keliya ayaa kooxda Dixon ay dhalisay goolkeedi bar bar dhaca. Si labadan kooxood ay midkooda guusha u raacdo ayaa waxaa loo dhigay rigooreyaal (Penalty). Rigooreyaashan ayaa waxaa aad uga naxay maamulka iyo tababaraha kooxda Somali United waayo Seddaxdii sanno ee ugu dambeeysay kooxdan waxaa tartankan lagaga reebay rigooreyaal. Rigoorayaashan ayaa la bilaabay iyadoo taageereyaasha United ay farta wadnaha ku hayaan Goolhayaha kooxda ayaa rigoorihii kowaad ee Dixon ka qabtay, isagoo sidaasi cafis ku weydiistay qaladkii u sameeya goolkii labaad ee bar bar dhaca. Rigooreyaasha ayaa waxay guusha ku raacday Somali Untied 5-4 Dixon FC. Ciyaarta Semi-Finalka waxaa wada ciyaari doontaa Somali United iyo Banadir
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|