|
Xulka Spain ayaa markii ugu horesay ku guuleystay koobka Adduunka kadib markii ay 1-0 kaga badiyeen Holland. Saacado kadib ayaa sidoo kale Kooxda Somali United iyaduna markii ugu horeysay la hooyatay koobka Somali Week Toronto 2010. Ciyaartii finalka ee koobkan ayaa waxaa isaga horymid kooxda Somali United ee reer Toronto iyo Tigers MN oo ka socday USA. Labdan kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar aya aad ugu riyaqeen dadweynihii ka soo qeybgalay ciyaartan. Wixii weerar iyo weerar celin leesku hayba, daqiiqadii 35aad ayaa Fasil oo lambarka 17 u sitay kooxda Tigers uu kooxdiisa gool qurxoon u dhalisay. Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay 1-0 oo ku hogaamineyso Tigers. Intii lagu jiray nasashada ayaa tababaraha Somali United Macallim Xakiinkey uu kooxdiisa si weyn ula soo dar darrmay. Macallim Xakiinkey ayaa isagoo u sheegay iney qadaan weerar aan kala go' lahay si ay isaga soo gudaan goolka lagu leeyahay. Haddaba United ayaa qeybti labaad ee ciyaarta garoonka la soo gashay weerar xoogan iyadoo aad mooday in Tigers ay difaac gashay. Gabagabadii ciyaarta oo ay ka harsan tahay dhowr daqiiqo ayaa kooxda Somali United ay heshay rigoore(Penalty). Rigoorahan ayaa waxaa si qurux badan u dhaliyay goolhayaha United. Daqiiqadihii loogu talo galay ciyaartan ayaa ku dhamaatay 1-1. Sida sharciga qabana waxaa labadan kooxood si toos ah loogu dhigay rigooreyaal si midkooda ay guusha u raacdo. Rigooreyaashan ayaa waxaa 4-2 ku badisay kooxda Somali United oo markii ugu horeysay kor u qaaday koobka todobaadka Soomaalida Somali week Toronto. Guddoomiye Maxamed Shagaxle "Maxamed Yare", Tababare Xakiinkay, Tababare ku xigeen Ducaale iyo ciyaartooyda waxay si aad ugu mahadcelinayaan dhamaan taageereyaashooda sida weyn ay markasta u garab taagnayeen. Sida kooxda Spain ay ugu riyoon jirtay iney mar un ku guuleysato koobka Adduunka ayaa Somali United iyaduna ugu riyoon jirtay iney la hooyato koobka Somali weeek. Labadn kooxood ayaa markasta soo bandhigi jiray ciyaar aad u xiiso badan, balse waxaad moodaa in nasiibka ka eexan jiray. Waxaa la yaab leh in Spain iyo Somali United ay riyadoodi u rumowday maalin qura, iyadoo ay u dhaxeysay saacdo keliya. Shabkadda xiddigaha.ca iyo wargeyska Somali Canadian Times wuxuu hambalyo u diryaa kooxda Somali United , sida qurxda badan oo ay ugu guuleystayn koobkan. Koobka Ciyaartooyga ugu wanaagsan "MVP" waxaa ku guuleystay Faisl Maxamed (Tigers MN), Tartanka dhaliyeyaasha "Top scorer" Simon (Somali United) Sidoo kale waxaa abaal marrino la guddoon siiyay Guled (Dixon FC ) iyo Salman (Hilac FC ) labadan ciyaartooy ayaa loo aqoonsaday iney yihiin ciyaartooyda ugu da'da yar kuwa ugu xirfadda badan. Ciyaartooydan ayaa runtii soo bandhigay ciyaar aad u farsamo fiican, waana ciyaartooy mustaqbal fiican ku leh ciyaarta kubadda cagta. Iyaguna waxaan leenahay Hambalyo da'daalkiinana halkiisa ka sii wada. W/D Mohamed Busuri
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|