• Usain Bolt Ayaa Shil Baabuur Ku Galay Magaalada Kingston

KINGSTON ( Jamaica ), Usain Bolt oo ah ninka adduunka ugu oradka dheereeya ayaa shil baabuur ku galay magaalada Kingston ee dalka Jamaica .

Mr. Bolt iyo gabadh ay wada socdeen ayaa lala cararay hospital ku yaala Spanish Town .

David Sheriff oo ka mid ah ciidanka booliska ee u soo gurmatay ayaa sheegay in Bolt uu gaariga ku waday xawaarad xad dhaaf ah, taasi ayaana keentay inuu xukunka gaariga ka lumo, sidaana uu gaariga waddada kaga baxo deedna is rogo.

Sida la sheegayo Orodyahan Bolt iyo gabadhii la socotayba wax sidaa u weyn ma soo gaarina. Hase yeshee gaarigan ayaa gabi ahaantiiba bur buray.

Gaarigan oo noocisu yahay BMW M3 ayaa shirkadda Puma haddiyad u siisay orodyankani kadib markii uu ku guuleystay, islamarkaana dhigay record cusub orodada adduunka ee 100, 200 iyo 4x100.

 

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca




 


 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line