Home|


KOOXDA KUBADDA CAGTA EE XEROX (XEROX RESEARCH CENTRE OF CANAD- XRCC) OO LOO TAAG LA' YAHAY! HORYAALKA 2004, 2005, 2006 IYO 2007 EE SPRSL

 

Akhristayaasha sharafta leh waxaa warbixin kooban idinka siin doonaa cayaar kama dambeys ah (Final) oo dhex martay labadda kooxood ee XEROX iyo kooxda kale ee ATOMS (Atomic Energy of Canada Limited). Ciyaaryahanadda ugu badan ee kooxda XEROX u ciyaara waa Soomaali. Ciyaartani waxay ka mid ahayd horyaalka loo yaqaan “ Sheridan Park Recreatitional Soccer League Championship” oo ay isku arkaan 10 kooxood oo ay ka mid yihiin: XEROX, ATOMS, AECL, AMEC, HATCH, PETRO-CANADA, HONEYWELL, LEVITT-SAFETY, STARCHOICE IYO CANDU. Waxay koox waliba ciyaartay 18 ciyaarood waxaana kaalinta koowaad xilligii caadiga ahayd 46 dhibcood aruursaday koox XEROX halka ay kooxaha ku soo xigay ay kala aruursadeen ATOMS (44), AECL (39) iyo AMEC (31). Haddaba waxaa horay ciyaar Semi-final ah u ciyaarey kallinta 1aad iyo 4aad; kaalinta 2aad iyo 3aad. Waxaana ciyaar kama dambeys ah isugu soo baxay labada kooxood ee XEROX iyo ATOMS oo runtii la dhihi karo waa kooxaha ugu awooda roon gobolkan ONTARIO . Ciyaartooydii maalintaas usoo safatay kooxda XEROX waxay kala ahaayeen: Abdulkadir Ali ( William), Abbas Dirie, Ali Baba, Anwar Waberi, Ali Bashi, Abdihakim Ottawo, Dhegey, Ali Matombo, Abdisamed, Leanard Zalli, Mark Noce, Jermaine Bisasor, Michelle Chretien, Earl Clarke, Gabe Korda, Val Magdalinis, Guerino sacripante, Faisal Shamshad iyo Tababre Jeff Andrews. Ciyaartani waxay ku bilaabatay dardar waxayna qaybtii hore ku dhamaatay 2-1 ay XEROX ku hogaaminayso. Waxaa laba gool oo aad u qurux badan u kala dhaliyey kooxda XEROX ciyaaryahan Dhagey oo goolhayaha si xirfad leh ugaga dulqaaday kubadda iyo Mark Noce oo si orod badan difaaca ATOMS u dhaafay dabadeedna laad xoogan goolhayaha daba mariyey. Kooxda ATOMS waxay iyadu dhalisay gool madax ah oo aad u qurux badan oo runtii ay u riyaaqeen daawadayaashii ciyaarta. Waxaa la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta Kooxda XEROX-na waxay iyaddu ku qabaysatay ilaa 5 gool oo loo fishay inay dhasheen. Hal daqiiqo marka ay ka dhiman tahay ciyaarta ayey kooxda ATOMS dhalisay goolkii barbar dhaca ciyaartiina waxay tagtay in lagu daro wakhti dheeri ah. Intii lagu jiray qeybtii hore ee wakhtiga dheeriga ah ayey kooxda XEROX dhalisay laba gool oo degdeg ah waxaana goolka 3aad u dhaliyey ciyaartooyga caanka ah ee Ali Bashi – wuxuu ahaa gool in badan xusuus ku reebi doona. Waxaa isna goolka 4aad dhaliyey weeraryahan Dhagey. Kooxda ATOMS waxay dhashatay gool 3aad ciyaartiina waxay ku dhamaatay 4-3 ay kooxda XEROX ku qaaday horyaalkeedii 4aad ee isku xiga. Waxay kooxda XEROX hambalyo u diraysaa dhallinta Soomaalida ah ee ka qaybgashay horyaalkan muujiyeyna xirfad kubaddeed oo dheeri ah iyo akhlaaq wanaagsan.