• XSKC Oo Doortay Guddi Fulin Cusub

MUQDISHO: Shirweynihii 8aad (Ordinary Congress) ee xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay Hotel Saxafi International ee magaalada Muqdisho , shirweynahan ayaa waxaa lagu doortay xubnaha guddiga fulinta ee maamulaya afarta sano ee soo socota waxaana guddoonka sare ee XSKC cod gacan taag ah (Anonymous Vote) loogu doortay Saciid Maxamuud Nuur [Mugaanbe].

Shirweynahan ayaa ugu horey waxaa uu cod u qaatay guddoonka sare iyadoo aysan jirin wax musharaxiin ay oo la tartamayay xubanaha u taagnaa xilalka , waxaana cod gacan taag ah kooxaha iyo ururada isboorti ee lahaa codka Doorashada  waxayna  ku muujiyeen  Doorashadooda mid gacan taag ah oo ah oo ay ku soo baxeen Guddoomiye Saciid Maxamuud Nuur [Mugaanbe], G/ku xigeenka 1aad  Cali Saciid Guuleed, ku xigeenka 2aad C/rashiid Xasan Xersi, ku xigeenka 3aad C/llaahi Abow Xuseen.

Intaasi ka dib waxaa la guda galay codeynta doorashada xubnaha  guddiga fulinta, sidoo kale waxaa mar kale sii haynaya xilka Xoghayaha guud ee XSKC C/qani Saciid Carab.

Shirweynahan waxaa goob joog ka ahaa mas`uuliyiin ka socotay Wasaaradda Isboortiga Agaasimaha  Saacid Mxamed Xasan iyo Guddiga Olambikada Soomaaliyeed oo ka socday labo wakiil oo kala ah Guddoomiyaha XSKL Prof: Maxamed Cali Cadoow iyo Guddoomiyaha XSF Xaaji Coloow, waxayna mas`uuliyiintan ugu hambalyeyeen xiriirka sida weyn ee ay uga tashanayaan ayaahooda waxayna kula dardaarmeen Guddoomiyaha Saciid Mugaanbe inuu ka shaqeeyo sidii looga shaqeyn lahaa horumarka kubadda cagta Somalia, waxayna carabka ku dhufteen inay taageerayaan wixii ay go`aansadeen xiriirka iyo naadiyadiisa.

"Mudanayaal/Marwooyin Waxaa mahad leh ALLAAH oo maanta oo ay taariikhdu tahay 19/07/010 halkaan Igu doorateen in aan noqdo Hoggaanka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Muddada 4-ta sanno ee socoto, taasoo aad igu qiimeyseen shaqooyinkii dhibka badnaa aan soo qabtay annigoo la kaashanayo Xubnihii Guddiga Fullinta iyo Xoghaynta" sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha XSKC Saciid Maxamuud Nuur [Mugaanbe] oo ku daray in isaga , Guddiga Fullinta iyo Xoghayntaba inay laba jibaari doonaan wixii Karaankoodana isugu geyn doonaan howlaha culus ee horyaala.

Si kasta ha ahaatee waxaa guddiga fulinta ee la doortay ka muuqda inta badan xubnahii  shirweynihii aan caadiga ahayn ee 11 Maarso 2007 waxaana seegay xubinimada guddiga fulinta ee cusub 8 xubnood oo hore uga tirsanaa guddiga fulinta.

Ugu danbayn shirweynahan ayaa waxaa ka muuqday xubno si weyn u mucaaradsanaa howlaha XSKK iyagoo qaarkooda saxaafadda u sheegay inay dhamaatay waqtigii uu kala qeybsanaan lahaa isboortiga gaar ahaan kubadda cagta, waxaana shirweynahada uu la yimid ka mid ah ka qeybgalka ururada iyo gobolada.


Xubnaha Lagu Doortay Shirweynaha 8aad ee Xiriirka K/Cagta:

GUDDOOMIY

1. Saciid Maxamud Nuur (Mugaambe)

GUDDOOMIYE KU XIGEENADA 

  1. Cali Saciid Guuleed
  2. C/rashiid Xasan Xersi "Bakin"
  3. C/aahi Abow Xuseen 

XUBNAHA

  1. Bashiir Maxamuud Geesey
  2. Yaxye Maxamud Abuukar
  3. C/rashiid Xuseen Caddow
  4. Saciid C/lla Maxamed
  5. Xiirey Axmed Rooble
  6. Xasan Macallin Yuusuf
  7. Cisaman Jamac Diraac
  8. Cali Cabdi Maxamed
  9. Mustaf Cilmi Afrax
  10. C/qani Saciid Carab Xoghaye Guud.

W/D Said Ibrahim Hussein BUUNA
Mogadishu - Somalia




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line