• Winter Cup 2009 Toronto

Waxaa magaalada Toronto si xiiso leh uga socda tartankii kubadda cagta ee la magac baxay Winter Cup 2009.

Tartankan ayaa waxaa ka qeybgalaya kooxaha kala ah: Somali Stars, Toronto United,Dixon Fc iyo Albion.

Ciyaartii furitaanka ayaa waxaa foodda is daray kooxaha Somali Stars iyo Toronto United.

Labadan kooxood ayaa waqtigii loogu talagalay isla dhaafi waayey 2-2.

Si labadan kooxood midkooda ay guusha u raacdo ayaa waxaa loo dhigay rigooreyaal "Penalty". Rigooreyaashan ayaa waxaa 3-2 ku badisay kooxda Toronto United

Kooxdan Toronto United ayaa ciyaarta kamadambeynta Final la ciyaari doontaa kooxaha Dixon FC iyo Albion hadba midda soo badisa.

Ciyaartan Finalka ayaa lagu wadaa in la qabto maalinta Talaadada ee ay bishu tahay December 29, 2009.

Sidoo kale maalintaasi waxaa iyaguna koob loo dhigi doonaa laba kooxood oo ka socdo dhallinta cuslaatay.

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca

 

 

 

 



 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line