|
Tababaraha cusub ee xulka Tayaaniga Prandelli ayaa dib u habeyn weyn ku sameeyay xulka qaranka. Tababaraha cusub ayaa inta badan ciyaartooydii hore ee xulka kala diray, isagoo ciyaartooyda xulka cusub ka bilaabay ABC oo ah Amauri, Balotelli iyo Cassano. Tababare Prandelli ayaa ciyaartii ugu horeysay guul darro kala kulmay, kadib markii Ivory Coast ay 1-0 ugu awood sheegatay. Tababare Bearzot oo kooba Adduunka u qaaday Talyaaniga sannadkii 1982dii ayaa waqtigiisa ku bilaabay guul darro, Sidoo kale Lippi oo ku guuleystay koobkii 2006 ayaa isaguna ciyaartii ugu horeysay guuldarro la hooyday. Prandelli oo taasi maanka ku haya ayaa u muuqda inaanu ka niyad jabin guuldarradan uu ku bilaabay, balse uu da`daalka iyo dib u habeynta kooxda uu halkiisa ka sii wadi doono. Tayaaniga oo ku ciyaaray habka (4-2-3-1) ayaa ciyaartooydii ay la soo shirtageen waxay kala yihiin: Sirigu; Motta, Cassani, Bonucci, Chiellini, Molinaro; De Rossi, Palombo, Montolivo. Pepe, Marchisio, Cassano, Rossi, Balotelli, Quagliarella ; Amauri, Borriello, Viviano, Mirante, Astori, Lucchini, Antonini iyo Lazzari. Halka Tababaraha Ivory Coast Zahoui uu ku jawaabay habka (4-3-3), isagoo garoonka la yimid ciyaartooyada kala ah: Yeboua; Demel , Kafoumba , Kolo Toure, Zokora, Tiene; Eboue, Yaya Toure, Tiote; Kalou, Fae, Doumbia, Sagbo, Gervinho, Kone, Zogbu, Angoua iyo Bamba. Goolka qura oo ay xulka Ivory Coast guusha ku raacday ayaa Kolo Toure daqiiqadii 10aad ee qeybtii dambe ee ciyaarta u saxiixay xulkiisa. W D Mohamed Busuri
|
|