• Bahda Reer C/Casiis ee London oo Afur U Sameeyey Maclinka Xulka k/k "Shiikha"

 
22/08/10. waxaa waqooyiga London maqaayada RAMADA afur loogu sameeyey mucjisadii kubadda koleyga soomaaliyeed, ahna macalinka xulka qaranka soomaaliyee Cabdulqadir Haaji Daahir " Shiikha".
 
Waxaa afurkan soo qaban qabiyey bahda degmada reer C/Casiis oo ku nool magaalada London taas oo ay ugu tala galeen in ay ku soo dhaweeyaan walaalkood Shiikha oo dhawaan fasax gaaban ku joogey wadanka Ingriiska.



"Aad ayaan ugu faraxsanehey in aan caawo halkaan aan ku arko dad aan mudo badan iigu danbeysey, waadna ku mahadsantihiin in aad halkan iigu soo dhaweysaan, waxaana ilaahey ka baryeynaa in uu sanadkan kiisa kale nabad nagu gaarsiiyo". ayuu yiri Macalin Shiikha.



Dadkii afurkan ka soo qeybgaley ayaa waxey kale ahaayeen, Eng Baana (xoghayaha guud ee XSKK), Dr Osman Shiis (La taliyaha XSKK), Cabdulaahi Macalin, Anwar Cali Saalim, Yusuf Mohamed Jamac (yusuf Dagool), Zio, Cabdulkadir jareere, Abshir Caye, Cabdirahman Osman Osoble (Garshooke), Mohamed Shire, Mohamed Soomaali, Cabdulaahi Wiish, Mahamed Mohamed (Aba jala).



Qore Mohamed Shire

 

 



 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line